Somali News

Ciidamada Kumaandooska Somaliya Oo Ka Hadlay Dagaal Ka Dhacay Degmada.

Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed,gaar ahaan Kumaandooska Danab ayaa ka hadlay khasaaraha  ka dhashay dagaal xalay degmada Awdheegle ku dhex mararay ciidanka Danab iyo dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab kadib markii ay isku dayeen in ay gudaha u galeen Awdheegle.

Qoraal lagu daabaca wakaaladda ku hadasha afka dowladda ee Sonna ayaa lagu yiri  ”Saraakiisha hogaaminaysa howlgalkaasi ayaa SONNA u xaqiijiyay in ay ka dileen koxda Shabaab ilaa 4 qof halka 5 kalena laga dhaawacay,kuwaasi oo isku dayay weerar in ay soo qaadaan,balse ay fashiliyeen ciidanka Kumaandooska Soomaaliya.

Ciidamada dowladda ayaa maalmihiila soo dhaafay howlgal ka sameynayay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha hoose kadib markii ay iskaga baxeen Al-shabaab oo muddo ka arriminayay.

Saraakiisha ciidamada ayaa tilmaamay in ay gacanta ku dhigeen deegaano hor leh oo hoos taga degmada Awdheegle waxaana ay intaas ku sii dareen in uu sii socon doono howlgalkaan.

Related posts

Madaxtooyada oo war ka soo saartay Safarkii Dag daga ahaa ee Madaxweyne Xasan Sheikh

admin

DEG DEG: Golaha Wasiirada Soomalia oo War Xasaasi ah ka soo saaray Doorashada Soomaliland+Sawirro

admin

Daawo: Ciidamo aad u hubeysan oo ku dhaw in ay gacanta kusoo dhigaan shabaabkii ugu badnaay oo…..

admin