Ciidamada Itoobiya oo 9 qof ku dilay Mooyaale

0

Wararka naga soo gaaraya degaanka lagu magacaabo Mooyaale ee u dhaxeeya Sohdinta Itoobiya,Kenya iyo Soomaaliya ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ciidamada dowladda Itoobiya ay ku dileen dad shacab ah.

Dadka degaanka Mooyaale ayaa xaqiijiyay in ku dhawaad 9 qof ay toogteen ciidamada Itoobiya ee halkaasi ku sugnaa, kadib markii ay moodeen Jamhadda OLF ee Oromadda degan dalka Itoobiya.

Ciidamada ayaa sidoo kale waxa ay dhaawaceen 12 qof oo shacab ah sidda ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiinta degaanka.

Taliyaha Militariga Itoobiya ee Ciidankaas haysta ayaa sheegay in ay iyagu heleen xog la xiriirta in Ururka OLF ay weerar  iyaga ka dhan ah ka fulinayaan halkaas sidaasna ku qaadeen hawlgalka ay ku dhinteen dadka rayidka ah.

Waxaa uu sheegay in ay dileen dadka shacab ah, islamarkaana la siiyay xog qaldan.

Mas’uuliyiinta degaanka ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in ay waddaan howlgallo looga hortagaayo in ay dhacaan markale falal Nuucaan oo kale ah.

Dalka Itoobiya ayaa ku jira xaalad deg deg ah, waxaana iscasilay Ra’iisul wasaarihii dalkaasi ka dib markii ay kordheen isku dhacyadda qowmiyaddaha.