Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada oo la sheegay in ay dhaawaceen Agaasime ka tirsan Wasaaradda….

0

Warar dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayan dhaawac xalay muqdisho loogu geestay Agaasimaha Xiriirka Gobollada ee Wasaaradda Dhalinyarada & Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Cabdi Kariin Maxamed Xiireey.

Ciidamada ilaalada madaxtooyada ayaa la sheegay in ay rasaas ku fureen gaari uu watay agaasimaha xili uu maraayay Afaafka Hore e Iridda Beerta Nabadda ee magaalada muqdisho.

Dhaawac daran ayaa dhanka caloosha kasoo gaaray agaasimaha mana jirto war ka soo baxay laamaha ammaanka oo loogu hadlay dhaawaca agaasimaha xiriirka gobollada ee wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha.