Ciidamada huwanta oo xalay Howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Awdheegle

0

Ciidamada kumaandooska soomalia oo garab ka helaya ciidamado mareykan ah ayaa xalay weerar ku qaaday saldhigyo alshabaab ay ku leeyihiin deegaanka Awdheegle ee Gobolka Shabeellada hoose.

Diyaaraddaha qumaatiga u kacay auaa ciidamada ku dajiyay banaanka magaalada iyadoo ciidanka huwanta ay gudaha u galeen deegaanka halkaasi oo uu iska hor imaad ku dhexmaray Dagaalamayaasha Alshabaab iyo ciidanka Is baheysanaya.

Howlgalka waxaa la sheegay in lagu soo qab qabtay waxyaabaha qarxa oo yilay saldhigyada alshabaab ee weerarka lagu qaaday.