Animation

Ciidamada Dowlada Somalia ee Gobolka Gedo oo……

no responses
Tuesday December 1, 2015 - 11:39 under Somali News by admin
mqdefault
Spread the love

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baardheere Ee Gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay ka taagan tahay gadood ay ciidamadu sameenayaan.

Gadoodka ciidanka waxa uu ka dambeeyey markii ay sheegeen inaysan helin gunadii ay xaqa ulahaayeen muddo dhowr bil ah.

Aadan Jeelle Faarax oo ka mid ah Saraakiisha darajada ciidanimo ka gaaray Korneelka ayaa waxa uu tibaaxay inaan la siinin mushaarkii ay dawlada Soomaaliya ka sugayeen muddo ka badan Sanad.

Ciidanka Dawlada oo labo qeyb lagu soo tababaray ayaa ku sugan Degmada Baardheere Ee Gobolka Gedo,waxayna ku goodiyeen hadii Mushaarkooda lasiin waayo ay tallaabo dawladu ka xumaato sameyn doonaan.

Afar bil ka hor ayaa Al Shabaab laga saaray Degmada Baardheere oo ka mid ah Deegaanada ugu qadiimisan ee ku yaalla Soomaaliya.

Facebook Comments