Animation

Ciidamada Dowlad Gobaleed Putland oo weeraray Saldhigii Alshabaab ee Gablka Bari.

no responses
Saturday July 8, 2017 - 11:56 under Somali News by nairobi
mqdefault

Wararka naga soo gaaraya degaanka Galgala ee gobolka Bari oo ay ku sugan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay weerar ku qaadeen Ciidamo ka tirsan maamulka Puntland.

Ciidamada ayaa lagu soo waramaya in ay iska caabin xooggan ay kala kulmeen dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku sugan Buuraleyda Galgala.

Goobjoogayaal ku sugan degaanka ay Saakay Weerareen Ciidamada Puntland ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalku uu ka dhacay Saldhig ay leeyihiin Al-Shabaab.

Ilaa iyo hadda lama ogga Khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi u dhaxeeyay ciidamada Puntland iyo Al-Shabaab.

Ciidamada maamulka Puntland iyo Kooxda Daacish ayaa sanadyadii lasoo dhaafay ku dagaallamayay gobolka Bari gaar ahaan Buuraleyda Galgala.

Puntland ayaa horay wacad ku martay in Shabaab iyo Daacish ay ka aarsan doonto Ciidamadii lagu xasuuqay degaanka Afurur.