Ciidamada Baangaraafta iyo kuwa Milatariga oo Caawa ku dagaalamay Duleedka Magaalada Jowhar

0

Ciidamada baangaraafta ee mareykanka uu tababaro iyo ciidamada milatariga ayaa caawa maqribkii ku dagaallamay inta u dhaxeeysa deegaanka xaanshooley iyo garoonka diyaaraddaha magaalada jowhar ee xarunta gobolka shabeellada dhexe.

Ciidamada baangaraafta ayaa xalay xili dambe soo dagay garoonka diyaaraddaha magaalada jowhar waxaana dagaalka uu yimid ka gadaal markii labada ciidan kala shaki uu soo kala dhexgalay.

Dhaawacyo ciidamada milatariga ayaa la keenay cisbitaalka magaalada jowhar waxaana la sheegay in khasaaro labada dhinac ah ay jiraan.