Ciidamada Ammaanka oo Xalay Muqdisho ku qabtay Hilib Qurmay oo laga shakiyay

0

Ciidamada Ammaanka ayaa xalay dagmada C/casiis ee gobolka banaadir ku qabtay gaari siday hilib qurmay oo aad isu beddelay

Ciidamada ayaa ka shakiyay gaariga ka gadaal markii qurmoonka hilibka uu gaf kusoo dhahay askarta markii gaariga baaritaan lagu sameeyayna waxaaba lagu arkay hilib aad u uray oo muuqaalkiisu is beddelay.

Dadka gaariga watay oo saraakiisha ammaanka ay wareysteen ayaa waxa ay u sheegeen in hilibkaan uu ka soo halaabay ciidamada Amisom iyagana ay doonayeen in ay ku iibiyaan suuqa dagmada Xamar-weyne.

Hilibka gacanta lagu dhigay ayaa waxaa uu isugu jiray Hilib lo’ hilib ari iyo hilib digaag sida uu xaqiijiyay afhayeenka maamulka gobolka banaadir Abdifitah Omar Halane Afhayeenka.

Weli waxaa socda baaritaanka lagu haayo hilibkaan xalay muqdisho lagu qabtay waxaana xusid mudan in maalintii khamiista aheyd Isla dagmada C/casiis lagu sumeeyay haween ka shaqeynaayay nadaafadda markii gaari NOHA uu soo dul istaagay kadibna uu sun aan la aqoon ku buufiyay.