Ciidamada Ammaanka oo Qaarajiyay Xubno Alshabaab ah oo diyaarinaayay Weerar Muqdisho ka dhaca

0

Hey’adda NISA ayaa shaacisay in Xubno Alshabaab ah oo Diyaarinaayay Weerarro Muqdisho ka dhaca ay ciidanka Ammaanka ku qaarajiyeen deegaanka Basra oo duleedka Galbeed ka xiga degmada Balcad.

Ilaa 6 xubnood oo Alshabaab ah ayey NISA sheegtay in Howlgalka lagu dilay, sidoo kalana ciidanka ay nolosha ku qabteen Horjoogihii Xubnahaan Amiirka u ahaay.

Hey’adda NISA ma aysan shaacin magaca Horjoogaha Alshabaab ee Nolosha lagu qabtay waxaana bilihii ugu dambeeyay hey’adda ay shaacineysay howlgallo qorsheysan oo ciidamada Ammaanka ay ka fulinayeen deegaanno ay alshabaab maamulaan.