Animation

Ciidamada Amaanka Puntland oo Xalay Afar Qof oo Rayid ah ku Dilay Waqooyiga Gaalkacyo

no responses
Sunday November 15, 2015 - 8:49 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Wararka naga soo gaaraya magalada Gaalkacyo xarunta Gobalka Mudug ee Puntland ayaa sheegaya afar qof oo rayid ah inay ku dhinteen rasaas uga timi ciidanka ammaanka Gaalkacyo, ka dib markii ay isbitaalka weyn ay dadkaasi rayidka ah soo gaarsiiyeen qof shacab ah oo kusoo dhaawacmey xabad fakatay.

Ciidankan shacabka rasaasta ku furay ayaa ku sugnaa Isbitaalka, waxayna wararku sheegayaan inay timi rasaastu ka dib markii dadkii dhaawaca waday ay is-maandhaafeen, rasaasta waxaa sidoo kale ku dhaawacmay lix qof oo kale, mana jirto ilaa iyo hadda dhacdadaasi cid ka hadashay.

Dadka dhintay iyo ku dhaawacmay ayaa ka yimi xaafada Garsoor oo aan ku fogeyn Isbitaalka, waxayna wadaan qaarkood qodka dhaawaca ahaa ee Isbitaalka loola soo cararay.

Mamulka Gobalka Mudug, kan degmada iyo laamaha ammaanka weli kama aysan hadlin falkan oo xilli danbe Isbitaalka ka dhacay, waxana dadka dhintay lagu wadaa in maanta la aaso.

Facebook Comments