Somali News

Ciidamada Amaanka Muqdisho oo Nin hobeysan ku dilay agagaarka.

Ciidamada amaanka dowlada Somalia ayaa ku dilay magaalada Muqdisho nin ku hubeysnaa qori Ak-47 ah ka dib markii ay ka shakiyeen.

Falkan ayaa xalay ka dhacay isgoyska Maana booliyo ee degmada Shibis ka dib markii ciidamo halkaas ku lahaa bar kontrol uu ku soo baxay nin hubeysan oo la socday mooto bajaaj wadada mareysay.

Warar mar dambe soo baxay ayaa sheegaya in ninka la dilay uu ka mid ahaa ilaalada gudoomiye ku-xigeenka maamulka degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Dilka ka hor ninka hubeysan iyo ciidamada amaanka ayaa waxaa la sheegay inuu dhexmaray muran xoogan oo sababay in markii dambe rasaas lagu furo ninka qoriga watay.

Ciidamo kale oo ka tirsan dowlada ayaa dilka ka dib halkaas gaaray, iyagoo qaaday meydka iyo qoriga uu ku heysnaa ninka dilay, mana jiro war ciidamada amaanku ka soo saareen dhacdadan.

 

Related posts

XOG: General gabre oo bilaabay qorshayaal halis ah ku dowlada cusub iyo madaxweyne farmaajo oo ka….

Tifaftiraha K24

Dhagayso:- Top Xildhibaanada Gal-Mudug oo ka Hadlay Dagaalkii dhuusomareeb

Tifaftiraha K24

Daawo: Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare oo maanta la dhaariyay iyo M/weyne Farmaajo oo ka qeyb galay

admin