Somali News

Ciidamada amaanka Caasimada Soomaliya oo qaaday talaabo loo riyaaqey.

Ciidamada amniga dowladda Somalia ayaa dedaal dheer ka dib ku guuleystay iney soo qabtaan Askari ka tirsan Ciidanka Booliska oo maalintii sabtida ina dhaaftay Magaalada Muqdisho ku dilay nin Darawal ahaa.

Askariga la soo qabtay ayaa darawalka oo waday gaari weyn oo xamuul ah ku dilay Isgoyska Digfeer ee Degmada Hodan.

Laamaha amniga dowladda ayaa sheegay in Askariga ka tirsan ciidanka Booliska ee dilka geystay la dhigay xabsiga, lana marinayo cadaalada.

Faahfaahin lagama bixin halka laga soo qabtay askarigan iyo sida ay ku suuragashay balse ciidamada dowlada ayaa lagu amaanay talaabadan ay ku soo qabteen askariga dilka geystay maalmo ka hor, iyadoo tani ay cashar u tahay askarta iyo kooxaha kale ee dilka geysta ka dibna isku daya iney baxsadaan.

Related posts

War cusub: Diyaaraddihii qaadka keeni jiray muqdisho oo maanta ka dagay jowhar maxayse tahay sababta ay xamar u imaan waayeen????

Tifaftiraha K24

Akhriso: 30 Dal oo Passborka Soomaliya lagu tagi karo Visa la’aan iyadoo Qiimeyn la sameeyay lagu…

Tifaftiraha K24

Wasiir Beyle Maxkamad Ayaan La Tiigsan Doonaa Ciddii Tiraahdo.

admin