Animation

Ciidama ka socda Qaybta 21-ad Iyo Hay’ada Nabad Sugida Qaranka Ee Nisa Oo Soo Gaaray Magaalada Caabudwaaq

no responses
Friday November 4, 2016 - 11:04 under Somali News by cabudwaaq
mqdefault

Ciidamadn ka socda qaybta 21-ad iyo hay’ada nabad sugida qaranka ee soo gaaray magaalad Caabudwaaq ayaa u yimid xasilinta magaalada iyo in ay kala qaadan maleeshiyo beeleedkii shalay ku dagaalamay magaalada Caabudwaaq.

Shacabka magaalada Caabudwaaq ayaa soo dhaweyey ciidanka soo gaaray magaalada waxaana ay sheegen in loo baahan yahay cid amaankii magaalada soo celisa oo ka hortagta dhiiga macna darada ah ee maalin kasta lagu daadinayo magaalada waxaana ya sheegeen saraakiishu in ay bilaabayaan sidi ay qaybaha bulshada ugala tashan lahaayeen sugida amaanka magaalada caabudwaaq oo faraha ka baxay .

Ciidamad soo gaaray magaalada Caabudwaaq ayaa hada ku sugan Mashruuca waxaana ay kulama la leeyihiin waxgaradka iyo odayaasha deegaanka .

imaatinka Ciidamana ayaa ku soo beegmaya xili shalay uu dagaal oo ka dhacay magaalada caabudwaaq kaasi oo keenay qasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira waxaana ilaa iyo hada aan jirin cid so toos ah u kala qaaday ciidamadii shalay oo wali ku kala sugan goobihii ay dagaaladu ka dhaceen marka laga reebo baaqyada nabadeed ee ay jeedinayaan qaybaha bulshada oo loogu baaqayo in ay dagaalka joojiyaan isalmarkaana ay xabada magalad ka daayan maadaama dagaalada ka dhacaya gudaha magaaladda ay qasaarada ugu badan ka soo gaarto shacabka .