Category Archives: Somali News

DAAWO: Salaadiinta iyo Waxgaradka Gobalka Sanaag oo gaashaanka u daruuray Caleemo saarkii Muuse Biixi.

HALKAAN KA DAAWO: Salaadiin iyo Waxgaradka Goboolka Sanaag oo Gaashaanka u daruuray in aysan jirin wax kaga qeybgalay  dhankooda Caleema saarkii Kornayl Muuse Biixi ee Maantay ka dhacay Magaalada hargeysa,

Dhanka kale waxa ay sheegeen Salaadiintu in aysan wax iska badalin Shirkii ay uga dhawaaqeen Gobolka sanaag ee Ay uga tashan doonaan aayahooda.’

Daawo: Shirweyne Qaran oo ka furmay magaalada Muqdisho maxaase looga hadlaayay

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa soo qaban qaabiyay, hir-geliyeyna Shirweynaha Qaran ee Xeer-ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed, kana dhacay Hotel Jazeera Magaalada Muqdisho Soomaaliya, kaas oo socday muddo laba maalmood ah 12 ka -13 ka Disembar 2017.

Shirkan waxaa ka soo qeyb galay madax kala duwan oo ka kooban heer Federaal iyo heer Dowlad gobaleed, waxayna kala yihiin:-

Ururka Qareenada Soomaaliyeed, Madaxda Hey’adda UNSOM ee arrimaha Caddaaladda iyo Asluubta, Hey’adda IDLO, Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Xeer-ilaaliyeyaal ka socday Dowlad Goboleedyada dalka kajira sida Puntland, Galmudug, Jubbaland,Hirshabeele iyo Koofur galbeed, qaar ka mid ah ku-xiggeenada Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Guddiga Garsoorka ee Golaha shacabka, Guddiga Garsoorka ee Aqalka sare, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha, Xafiiska Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka, Bahda Saxaafadda iyo marti sharaf kale.

Ujeedka shirku waxa uu ahaa in laga doodo Xeer-hoosaadka nidaamka anshaxa ee Xeer-ilaalinta Soomaaliyeed iyo in la abuuro Dallad guud oo ay ku mideysan yihiin dhammaan xirfadleyda Xeer-ilaalinta Soomaaliyeed si dalladaas loogu ilaaliyo xuquuqda, xasaanadda, madax banaanida, sharafta Xeer-ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed.

Dhammaan ka soo qeyb galayaashu waxay shirka ka jeediyeen hadalo dhaxal gal ah oo qiime weyn ugu fadhiyey Ajandaha shirka laakiin aanaan halkaan ku soo wada koobi karin, hadii aan wax yar ka tilmaanno in yar oo ka mid ah nuxurka hadalada shirka laga yiri:-

Taliye Xiggeenka Boliiska Soomaaliyeed Generaal Bashiir: “waa muqadas xiriirka ka dhexeeya booliska iyo Xafiiska xeer-ilaalinta dalka, Xeer-ilaalintu waxay talo siisaa, saxdaana Boliiska, sidaas darteed waxaan farayaa dhammaan Boliiska Soomaaliyeed in ay raacaan kuna dhaqmaan talooyinka Xeer-ilaalinta dalka”.

Wasiirka Cadaaladda dowladda federaalka Soomaaliya Mr. Xuseen Xasan Xaaji

“Waxaan u baahannahay in aan dalkeena burburka ka soo kabanaya caddaalad ugu Shaqeyno, waxaa loo baahan yahay in la sameeyo olole ku aadan caddaaladda dalka, haddii caddaalad la helo waxaa meesha ka baxaya musuqmaasuqa, amni darrada, iyo maamul xumada.”

Guddoomiyaha Guddiga Garsoorka aqalka sare Xil. Faadumo Xasan “Walaalayaal caddaaladda ha laga shaqeeyo, xabsiyada hala booqdo”.

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir “qofka Soomaaliga ahi waxa uu caddaalad u aqoonsan yahay sida uu isagu u arko in ay ku jirto maslaxadiisa bedelkeedana caddaalad darro ayuu sheeganayaa”

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka Dr. Ibraahim Iidle “Oraah baa tiraahda Ilaahey waa ilaaliyaa Dowlad caadil ah Muslimba yey ahaanine, yabooha/ ilaalinta Alle ma hesho Dowlad aan caadil aheyn Muslimba ha ahaatee, Caddaalad waxay ka timaadaa marka la xaqiijiyo sareynta Sharciga, Sareynta sharcigu waxay laf dhabar u tahay Dowlad wanaagga, iyo jiritaanka amniga.”

Shirweynaha Qaran ee Xeer-ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed waxay ka soo qeyb galayaashu ka soo saareen war-murtiyeedka soo socda:-

1- Ka qeyb galayaasha shir-waynaha waxa ay mahad gaar ah u celiyeen dhammaan qaban qaabiyeyaasha shirka oo uu ugu horeeyo Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyo hey’adaha gacanta ka geystay sida UNSOM iyo IDLO.

2- In ay adkeeyaan xiriirka ka dhexeeya Xeer-ilaaliyeyaasha heer Federaal iyo heer Dowlad Gobaleed, taasi waxay qeyb lixaad leh ka qaadaneysaa habsami u socodka howlaha Xeer-ilaalinta Soomaaliyeed.

3- In ay lagama maarmaan tahay sameynta dallad guud oo ay ku mideysan yihiin dhammaan Xeer-ilaaliyeyaasha Dalka, dalladaas oo lagu ilaalinayo xuquuqda, xasaanadda, madax banaanida, iyo sharafta Xeer-ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed, dalladdu waxay wax weyn ka qabaneysaa dhisidda, kobcinta, iyo tayeynta Xeer-ilaaliyeyaasha, abuurista Xeer-hoosaadka nidaamka anshaxa ee Xeer-ilaalinta Dowlad gobaleedyada, kuwa aan lahayn xeer-hoosaadka nidaamka anshaxa oo kaliya.

4-Madaxda kala duwan ee shirka ka soo qeyb gashay waxay doorteen Guddi farsamo oo ka kooban 7 xubnood, oo sameyn doona Xeer-hoosaadka iyo qaab dhismeedka Dalladda Guud oo ay ku midoobayaan Xeer-ilaaliyeyaasha heer federaal iyo heer dowlad-gobaleed.

5-Ka qeyb galayaashu waxay isla garteen in ay yeeshaan shir sannadle ah, oo ay ka soo qeyb gelayaan dhammaan xubnaha Dalladda, iyo mid afar biloodle ah oo ay yeelan doonaan gudiga maamulka Dalladda,  laguna qaban doono dhammaan Xarumaha Dowlad-gobaleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka ee soomaaliya, qaab meerto ah.

6-Shir-waynuhu waxa uu si buuxda u taageeray dib u habeynta hannaanka caddaaladda dalka, sidoo kale dhammaan ka soo qeyb galayaashu waxay hoosta ka xarriiqeen lagama maarmaan-nimada ka qeyb qaadashada, hogaaminta, iyo go’aan ka gaarista hannaanka caddaaladda gaar ahaan qeybta kaga aadan xiriirka ka dhexeeya Xafiisyada Xeer-ilaalinta iyo qaab dhismeedkooda heer Federaal iyo heer Dowlad-gobaleed intaba.

7-Shirweynuhu waxa uu si xoog leh u taageeray go’aankii taariikhiga ahaa ee uu gaaray Guddiga Amniga Qaranka ee Hannaanka Caddaaladda dalka oo ku saleysnaa habka isku dhafka oo afka qalaad loogu yeero (Mixed System), waxa uuna shirweynuhu soo jeedinayaa in si deg deg ah loo dardaro geliyo dhameystirkiisa.

8-Shir-weynuhu waxa uu garwaaqsaday doorka la taaban karo oo ay Haweenka Xeer- ilaaliyeyaasha ahi ku leeyihiin Xafiisyada Xeer-ilaalinta Dalka, sidoo kale waxaa leysla gartay in Haweenku qeyb lixaad leh ka ciyaaraan hirgelinta iyo habsami u socodsiinta howlaha xafiisyada Xeer-ilaalinta heer Federaal iyo Heer dowlad-gobaleed, sidoo kale shir-weynuhu waxuu dhiirigeliyey in la fududeeyo lana taageerodoorka haweenka.

9- Shir-weynu waxa uu hoosta ka xariiqay doorka xeer-ilaaliyayaashu ku leeyihiin Dalka, iyo in la ictiraafo ahmiyadda iyo ilaalinta sareynta Sharciga dalka u dhigan.

DEG DEG: Kooxo hubeysan oo goordhaw dagmada dayniile ku dishay Hodan Guure

Kooxo hubeysan ayaa goordhaw dagmada dayniile ku dilay haweeney lagu magacaabi jiray Hodan Guure
 
Dilka waxaa geestay laba dhalinyaro ah oo bastoolado ku hubeysan waxaana uu dilka ka dhacay nawaaxiga warshaddii hore ee Taraqa iyo Sigaarka dagmada dayniile.
 
Lama oga sababta loo dilay haweeneyda iyo waxa ay aheyd toona waxaana dableydii dilka geesatay ay ka baxsatay goobta .

Ciidamada ammaanka ayaa goobta soo gaaray waxaana ay bilaabeen baaritaan lagu baadi goobayo kooxdii dilka geesatay.

Deg Deg: Madaxweynaha Somaliya oo la kulmay Raysal wasaaraha Dalka Pakistan.

Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmajo   Madaxweynaha Soomaaliya  iyo Ra’iisul Wasaaraha Dalka Pakistan Shahid Khaqan Abbasi oo ku kulmay Magaalada Istanbuul ee Dalka Turkiga.

kulankaan  ayaa labada mas’uul waxa ay isla meel dhigeen sidii ay Soomaaliya iyo Pakistan uwada yeelan lahaayeen iskaashi dhow oo ku qotoma isfahan dhanka Siyaasadda iyo Hormarinta Dhaqaalaha ah.

Dhanka kale Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Shahid ayaa ka mid ah madaxda ka qeyb galeysa shirka iskaashiga Wadamada Islaamka ee Maanta ka furmay Dalka Turkiga, kaas oo looga hadlayo qadiyadda Qudus.

Akhriso: Hogaamiyaha Islaamka Rajab Dayid Erdogan oo Jeediyay Khdubad Cajiib ah

Madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa hoggaamiyayaasha dalalka Muslimiinta ku baraarujiyay in Qudus ay u aqoonsadaan in ay tahay “caasimadda xoogga lagu haysto ee Falastiin”

Hadal kuu ka jeediyay kullanka Ururka Iskaashiga Islaamka ayuu ku sheegay in go’aanka Mareykanka uu Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Israa’iil in uu yahay “waxba kama jiraan”.

Erdogan ayaa markale Israa’iil ku dilmaamay “dalka argagixisada”.

Hoggaamiyaha Falastiiniyiinta, Maxamud Cabbas ayaa sheegay in “Mareykanka uu iska dhigay dal aan u qalmin in uu door ku yeesho geedi socodka nabadda”.

“Ma ahan in aan aqbalno in Mareykanka uu door ku yeesho geedi socodka nabadda. Waxay caddeeyeen in ay si buuxda ugu xaglinayaan dhanka Israa’iil,” ayuu ka sheegay shirka.

Magaalada Qudus waxay xuddun u tahay dagaalka ka dhex taagan Falastiin iyo Israa’iil.

Magaalada waxaa ku yaalla goobo barakeysan oo ay aaminsan yihiin Muslimiinta, Masiixiyiinta iyo Yahuudda.

Israa’iil ayaa hadda maamusho dhammaan Qudus, horey waxaa u maamuli jirtay Urdun. Yahuudda ayaa qabsaday magaalada intii uu socday dagaalkii Bariga Dhexe ee 1967-dii, waxayna u araktaa in ay tahay caasimaddeeda aan la kala qeybin karin.

Falastiiniyiinta waxay sheegayaan in bariga Qudus ay tahay caasimaddooda, balse waxay ahayd in looga xaajoodo kulamada keedi socodka nabadda.

Caalamka weli muusan aqoonsanin in Israa’iil ay u madaxbannaan tahay Qudus, dalalka oo dhanna waxay safaaradohooda ku yaallaan magaalada Tel Aviv.

Si kastaba, madaxweyne Donald Trump wuxuu ku dhawaaqay in Mareykanka uu safaaraddiisa u rari doono magaalada Qudus.

Istiraatiijiyad la’aanta

Arrinta xaqiiqada ah waxay tahay in Falastiiniyiinta iyo hoggaamiyayaasha Carabta uu la yaab ku noqday go’aanka Trump, kaas oo aan qeyb ka ahayn istiraatiijiyadda Bariga Dhexe.

Waxaa jiro warar la isla dhexmarayo oo ah in Trump uu adeegsanayo xeelad uu qalqal ku abuurayo si uu waddada ugu xaaro wadahadallada nabadda.

Balse waxaa aad u cad in uu diiradda saarayo fulinta wixii uu Israa’iil u ballanqaaday xilligii ololaha siyaasadda uu ku jiray markii uu codka ka raadsanayay Yahuudda Mareykanka deggan iyo masiixiyiinta diintooda ku adag.

Sida laga soo xigtay illo kala duwan, Mr Trump waxaa ku jahwareeray mucaaradidda kooxdiisa amniga qaran oo Isniintii ka dooday fursadaha dhanka amniga iyo in raro safaaradda Mareykanka.

Saraakiisha waxay sheegeen in madaxweynaha uu aqbalay in uu saxiixo qorshaha dib loogu dhigayo raridda safaaradda, balse wuxuu aqoonsaday in Qudus ay caasimad u tahay Israa’iil iyo in la billaabo hannaanka lagu rarayo safaaradda.

“Iyadoo madaxweynayaashii hore ay ololaha ku ballanqaadeen arrintan,” ayuu yiri Mr Trump oo guul ku tilmaamay tallaabadiisa, “Way ku fashilmeen in ay fuleen. Maanta, aniga ayaa fulinaya”, ballanqaadkaasi, ayuu yiri.

Waa arrin masiixiyad ah

Mike Pence, madaxweyne ku xigeenka oo eegaya Trump oo bandhigaya siyaasaddiisa Qudus.Mike Pence, madaxweyne ku xigeenka oo eegaya Trump oo bandhigaya siyaasaddiisa Qudus.

Madaxweyne ku xigeenka Mike Pence ayaa dhoola cadeynayay markii Trump uu ku dhawaaqayay go’aankan wax wayn ka bedelay siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanka.

Pence waa nin si wayn galaangal ugu leh in Trump uu ku qanciyo in uu raaco wixii uu ololaha ku ballanqaaday, waana nin ay siyaasaddiisa ka muuqato sida uu ugu adag yahay diintiisa masiixiyadda iyo wuxuuna aaminsan yahay madaahibta Evangelicals, kuwaas oo taageera xushmeynta Israa’iil.

Taasi maysan dabamarin xildhibaan Falastiini ah oo masiixi ah, Hannan Ashrawi. “Allahey iima sheegin waxa uu isaga rabbigiisa u sheegay,” ayey tiri xilli ay wareysi siineysay BBC-da.

“Anagaa ah masiixiyiinta saxda ah, waana inaga kuwa dhulka leh, anagaa boqollaal sano ku nooleyn dhulkan. Sidey ugu dhiiran karaan in ay ii yimaadaan oo iisheegaan bible-ka iyo waxa uu qabo!”

Dhanka kale, si lama filaan ah ayuu Mr Zomlot isugu deyay in uu adeegsado kaarkiisa masiixiyadda, iskuna xiro Beytullaxam iyo Capitol Hill. Wuxuu dadka u ololeeya Falastiin u sheegay in “nabi Ciise uu yahay hadiyad la siiyay Falastiin”, si taasi uu taageero ugaga helo Masiixiyiinta Mareykanka.

Tijaabinta Bariga Dhexada cusub

Siyaasadda cusub ee Trump waxaa ka dhalatay caro ballaaran oo ka timi dunida Carabta iyo Islaamka iyo xulafada Mareykanka.

Dhulka barakeysan ee Qudus ayaa ah waxa lagu muransan yahay, taas oo micneheedu yahay in hoggaamiyayaasha Carabta ay yar tahay in ay hoos uga dhacaan qaabkan waaqiciga ah, ayna ugu dambeyn la qabsadaan arrimaha muhiimka ah ee uu ku saleysan yahay dagaalka u dhexeeya Falastiin iyo Israa’iil.

Urdun iyo Sacuudiga oo isu arka in ay yihiin ilaalada dhulka barakeysan ee Islaamka ayaa soo saaray digniin ah in arrintan ay hurin doonto Dunida Islaamka.

Laakiin kacdoonkii Carabta ayaa sababay in muhiimmaddii Falastiin ay meesha ka baxdo waxaana loo weecday arrimo muhiim ah sida Iraan iyo dhibaatada dalalka Khaliijka.

Sidaa aawadeed, Falastiiniyiinta waxay qaadeen tallaabo xoogaa u muuqatay mid caqliyeysan oo ay kula shaqeynayaan Israa’iil, waxayna u baahnaayeen in Trump uu ku lug yeesho.

Haddii dalalka Carabta iyo kuwa Islaamka ay qeylada sii wadaan ayagoo aan ficil ku darin, tijaabadan cusub ee lagu sameeyay waxay dhalin doontaa gobol la dhoho Bariga Dhexada cusub.

Arrinta waxay salka ku haysaa laba dal

Marka la is hor fariisto, su’aasha ma noqoneyso in caasimadda Israa’iil ay tahay Galbeedka Qudus? Balse waxaa laga doodi doonaa in dhulka lahaysto ee Bariga Qudus ay noqoto caasimadda dal ay Falastiiniyiintu leeyihiin.

Mr Trump ayaa arrintaasi ka dhigay mid macquul ah isagoo sheegay in maamulkiisa uusan go’aan rasmi ah ka qaadan goobaha barakeysan, “sida xudduudaha ay Israa’iil u madax bannaan tahay ee Qudus, ama xallinta goobaha la isku haysto”.

Taasi waxay muujineysaa in Falastiiniyiinta ay sheegtaan Bariga Qudus weli looga hadli karo wada xaajoodyada. Balse ma uusan kala cadeyn Mr Trump arrintaa, sidoo kale ma uusan ka hadlin in ujeedada ugu dambeysa ay tahay in la helo laba dal oo deris wanaag uu ka dhexeeyo.

Taasi bedelkeeda, wuxuu sheegay in Mareykanka uu taageerayo xalka noocaas ah haddii labada dhinac ay ku heshiiyaan: ma ahayn sinnaan la’aanta ay Falastiiniyiinta raadinayeen.

Ugu dambeyntii Trumo waxba uma ballan qaadin Falastiiniyiinta, hadalkiisa oo dhanna wuxuu ahaa mid uu ku taageeray, awoodna ku siiyay Israa’iil.

Update: Diyaaraddo dagaal oo duqeymo culus ka geestay deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan Duleedka Degmada Jalalaqsi ayaa sheegaya in Diyaarado Dagaal ay Duqeeyeen Degaan u dhow Degmada Jalalaqsi,waxaana la sheegay in Diyaaraduhu ay beegsadeen Fariisimo Al-shabaab ay ku leeyihiin halkaasi.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Dadka Degaanka ay Maqleen Dhawaqa Dhowr Gantaal oo ay rideen Diyaarado Dagaal,balse illaa hadda lama oga Khasaaraha ka dhashay.

Dadka deegaanka Buulo Burde ayaa sheegaya in duqeynta ay dhacday habeenkii xalay ahaa, isla markaana ka hor inta aanay diyaaradaha duqeynin ay dhowr jeer dul heehaabeen.

Lama oga illaa iyo hada khasaaraha ka dhashay duqeynta cusub ee la rumeysan yahay in diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka ka geysteen Gobolka Hiiraan.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa isa soo tarayay warar sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo ay ku jiraan Saraakiil sar sare ay gaareen deegaano ka tirsan Gobolada Dhexe, iyagoo ka baxsanayay duqeymaha ka dhacayay Koofurta Soomaaliya.

Maxaadan ogeyn oo kusoo kordhay Maleeshiyadii daacadda u ahaay Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur

Wararka naga soo gaaraya magaalada Beydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed, ayaa sheegaya in maamulka uu darees gaara siinaayo Xoogaga daacada u ah wadaadka dhawaan kasoo goostay alShabaab Mukhtaar Roobow ‘’Abuu Mansuur’’.

Maamulka ayaa la xaqiijiyay inuu qorsheynaayo in Xoogaga Roobow uu si rasmi ah ula wareego kuwaa oo kor u dhaafaya 300 oo daacad u ah wadaadka.

Dareeska cusub ayaa looga gol leeyahay in Xoogagaasi aysan uga soocnaan kuwa maamulka Koonfur Galbeed oo iyagu darees ahaan ka duwan kuwa dowlada.

Maamulka ayaa sidoo kale qabanqaabinaaya Guddi heer dowladeed oo gaara magaalada Xudur kuwaa oo la kulmi doona Saraakiisha hogaamineysa Xoogaga Mukhtaar Roobow si ay guddiga ula wadaagan macluumaadka iyo Hubka ay heystaan Xoogaga si loo kabo.

Sidoo kale, darees bixinta kadib waxaa Xoogagaasi lagu biirin doonaa ciidamada Maamulka iyagoo lasiin doono qoondo iyo xerooyin gaara.

Sidoo kale, Mukhtaar Roobow ayaa weli ku doodaaya in dowlada Somalia aysan faragalin Xoogagiisa, balse heshiiska ay la gashay DFS ayaa dhigaaya in la qarameeyo Xoogaga Daacada u ah Roobow iyo Gaadiidkooda.

Si kastaba ha ahaatee, Mukhtaar Roobow iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaa wadahadal kula jiraa Horjoogayaal dhowr ah oo la doonaayo inay isku soo dhiiban dowlada.

Mareykanka oo diyaar u ah in uu wada xaajood la galo kuuriyada wuqooyi

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka , Rex Tillerson, ayaa sheegay in Mareykanka ay diyaar u yihin wadaxaajood ay la galaan Kuuriyada waqooyi.

Mr Rex Tillerson ayaa sheegay in dowladda Mareykanka aysan wax shuruud ah ku xiri doonin wadahadalada Kuuriyada Waqooyi.

Xoghayah arrimaha dibadda ee Mareykanka Mr Tillerson ayaa ka digey in wadahadalada ay suuragal noqon karaan oo kali ah haddii la heli waqti cayiman oo aysan Kuuriyada Waqooyi tijaabin hubka Niyukleerka.

Soo bandhigida uu wadahadalada soo bandhigay mr Tillerson ayaa u muuqta mid ka duwan dalabkii hore ee Mareykanka ee ahaa in Kuuriyadda waqooyi ay gabi ahaanba joojiso barnaamijkeeda hubka Niyukleerka.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee mareykanka Mr Tillerson ayaa sidoo kale sheegay in Shiinaha ay sameeyeen qorsha ay ugu diyaargaroobayaan in ay qaabilaan qaxooti ka socda Kuuriyada waqooyi haddii uu dagaal dhaco.

Madaxwayne Trump ayaa horrey ugu baaqay in xoghayihiisa arrimaha dibadda uusan waqti isaga lumin wadahadal lala galo Kuuriyada Waqooyi.

Daawo: Soomalia oo mudo 27 sano kadib soo nooleyneysa Dalxiiskii iyo dhaqanka

Mudane Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow), Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska oo ka qeybgalaya Shirweynaha 2aad ee Caalamka ee Dhaqanka & Dalxiiska oo ay soo qabanqaabiyeen hay’adaha UNWTO iyo UNESCO oo lagu qabtay magaalada Masqad ee Saldanada Cumaan ayaa yiri Soomaaliya waxey soo nooleyneysaa Dhaqanka & Dalxiiska si dalka nabad iyo horumar loogu soo dabaalo.

In ka badan 800 ayaa shirkan ka soo qeybgashay iyagoo ka kala yimid 70 dal si ay uga qeybgalaan shirkan oo ka dhacayey caasimada Masqad ee dalka Saldanada Cumaan 11 – 12 December 2017. Shirkan ayaa waxaa furay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Cumaan H.H. Sayyid Fahd bin Mahmoud al-Said, iyadoo Wasiirada Dalxiiska & Dhaqanka ay ka soo qeybgaleen.

Ujeedada shirkan caalamiga ah ayaa ahaa sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga hay’adaha dalxiiska iyo kuwa Dhaqanka looguna diyaar garoobi lahaa Ajendaha Qaramada Midoobey ee 2030 ee ah gaarista horumar joogta ah.

Shirkan ayaa Wasiiradii ka soo qeybgalay waxay yeesheen kulan wadahadal iyadoo CNN ay u qeybineysay dooda oo diirada lagu saarayey doorka Dalxiiska ee uga aadan nabada iyo horumarka.

Wasiirada Cambodia, Libya, Somalia, Iraq iyo Vietman ayaa wasiirada kale la wadaagay qorsheyaashooda soo nooleynta Dalxiiska si dalalkooda nabadeyntiisa iyo horumarka uga qeybqaataan.

Wasiir Eng. Yarisow oo ka warbixiyey istraatejiyada iyo qorshaha Soomaaliya ay dib ugu soo nooleyneyso Dhaqanka & Dalxiiska ayaa yiri “Somalia waxey dib u soo nooleyneysaa Dalxiiska & Dhaqanka si ay uga qeybqaataan soo celinta amniga, nabadeynta iyo horumarka dalka.

Soomaalidu waa dad adkeysi badan isla markaasna ku fiican hal-abuurka ganacsiga, bacdamaa uu dalku nabad noqonayo waxaan abuureynaa aasaaskii lagu horumarin lahaa dhaqanka iyo dalxiiska si dhalinyaradu ay hab-abuurkooda uga faa’iideystaan taas oo rajo ku soo celineysa shacabka, isla markaasna horseedeysa shaqo abuur.”

Xoghayaha Guud ee UNWTO Dr Taleb Rifai ayaa yiri “Sanadkii 2016 in ka badan 1.2 billion dad ah ayaa socdaalay. Marka la gaaro 2030 waxaan rajeyneynaa in dadka socdaaladaya ay kor u dhaafaan 1.8 billion. Dhaqaalaha Adduunka 10% ayaa Dalxiiska ka yimaada oo ay 10kii qofba uu hal qof ka shaqeeyo arrimaha dalxiiska.

Dalxiise kasta waxuu fursad u abuuraa dhaqaalaha oo kobca, nabdeynta, is-fahamka bulshada, iyo in dadka magaalada iyo baadiyaha oo ka wada shaqeeya kor u qaadista Hiddahooda iyo Dhaqanka.”

Wasiir Eng. Yarisow ayaa yiri “Waxaan aaminsanahay in hadda la joogo waqtigii saxda ahaa ee Soomaaliya ay jiilka cusub u diyaarin laheyd siyaasadii, istraatejiyadii iyo qorsheyaashii dalxiiska dib loogu soo celin lahaa. Dalxiiska waa xaqiiqo jirta, caalamkana isagaa loo soo wadajeystay oo uu si xowli ah u socdaa.

Dalxiiska waxuu shaqooyin u abuuraa dhalinyarada, waxuu kor u qaadaa dhaqaalaha. Dowladda Federaalka waxey ku bixisaa juhdi fara badan si dalka uu u gaaro isku filnaasho buuxda.”

Wasiir Eng. Yarisow ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyey in Soomaalidu ay leedahay Qurbo joog firfircoon oo buundo u noqon karta sidii loo dhiirigelin lahaa Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya oo haddii ay saaxiibadood ku qanciyaan inay dalka u soo dalxiis tagaan ayaa noqoneysa habka ugu habboon aan kor ugu qaadeyno hirgelinta dalxiiska iyo dhaqanka.

Soomaalid waa dad jecel safarka tanoo u noqoneysa raasumaal uu dalku leeyahay.