Category Archives: Maqaalo

iman

Ogow Mar labaad inaad i Legeddo mid aan kaa yeeli doono maaha !!!!.

Waxaad tahay gumeysi madow oo aan marnaba ii jiir naxeyn, asalka iyo magaca Soomaaliyeedna cadow u ah, maxaa yeelay waxaad xoog iyo xeelad ku heysataa qeyb ka mid ah jirkeyga, taas oo ay kuu sahleen sababteedana lahaayeen boqortooyadii ingiriiska iyo caada qaatayaal Soomaaliyeed oo weli ilmahoodii lagu tuhmayo in howshii gumeysi taageeridda aheyd ay halkoodii ka sii wadaan!.

Naceybka aad u qabto magaca Soomaaliyeed, waxaa ka marqaati kacaya xasuuqii Wagaala ee aad ku leysay in ka badan shan kun oo qof ( 5000 ) oo Soomaali ah isuguna jiray haween, carruur iyo waayeello aan dhaqaaqi karin oo qaarkood ay indha la’aayeen, taasoo ah xuma aad geysatay oo kuu keydsan.

Iyada oo godobtaasi ay meesha kuu taallo, oo aanada iyo dakanada nuucaas ihi aanay marnaba kaa hareynin, ayaad haddana iska dhaadhicisay damaca ah «Berriga hanataye baddana ku darso dad kaa difaacan kara meesha ma joogaane» taasi oo ah riyo maalmeed aan weligeed kuu rumoobi doonin.
Suura gal maaha in ay ciidamadaadu gurigeyga hor dhoobnaadaan, adiga oo i leh cadow baan kaa difaacayaa damacaaga qarsoonna uu yahay inaad qeyb ka mid ah gurigeyga aad xoog iyo xeelad ku qaadato, adiga oo si hoose u la heshiinaya caada qaate ila dhashay oo aan dareen waddaniyadeed laheyne dhuunta un wax ka maqla.

Aad iyo aad bey u xanuun badan tahay maanta oo isniin ah taariikhduna ay tahay 19ka Sebteember in aan isla fuulno maxkamad caalami ah, adiga oo igu heysta lahaanshaha biyaha ubbadeyda ku jira ee aan anigu leeyahay inaad muran gelisana ay muuq egtahay un « Ku qabso ku qadi meyside».

Haddaba go’aanka waddaniga Soomaaliyeed wuxuu yahay:- baddayda anaa iska leh, beec iyo boob midna u ma oggoli, in kiis ku saabsan baddeyda miiska la soo saarana micnaheedu waa shaarkaaga ayaan kula leeyahay, sidaa darteed Maxkamadda maanta furmeysa, haddii xataa ay dowladda Soomaaliyeed ku guuleysan weydo waddaniga soomaaliyeed waxba kama dhintaan dhulkuna bad iyo berriba waa un kiisii.

Caleenta jaadka ah oo dhowr maalmood lagaa joojiyay baad u adkeysan weyday oo ay cabaadkaagu dunida la yaabtay ee haddii aad ka hari weyso damaca waalan ee ku hagaya u diyaar garow dagaal iyo cunaqabateyn intaa ka sii badan, midka caada qaataha ah ee howshan kuu fududeeyayna waa qaran dumis ay sugeyso maxkamad sharci ah oo ay dadka soomaaliyeed ku qaadaan goor ay noqotaba, adiguna waxaan kaaga tagayaa « Horay baad ii legedday ee laabta ku sii heyso inaanan kaa yeeli doonin inaad mar labaad i legeddo!».

Bashiir Cali Xuseen
Barbaariye@hotmail.com

iman

SOMAALI MAXAA XAL U AH? W/Q Imam Hassan Jaamici

Somali badan ayaa aaminsan qorshaha Soomaaliya laga leeyahay waa in laga fogeeyaa diinteeda Islaamka si ayan u helin raxmad Ilaahey oo ay ku degi laheyd. Waxaa lagu mashquuliyey nidaamyo shisheeye oo ah qabyaalad inay wax ku qeybsadaan oo waddankooda kala qeyb qeybiyaan oo xuduudo been been kala sameystaan oo shisheeyaha isu dhiibaan oo ay adduun iyo kursi ay Soomaali weyn ku iib geeyaan.

Ilaahey Albaabada xalka (nabad, midnimo iyo dowlad madax banaan) wuu noo furi lahaa (shardi) haddii Soomaali Ilaahey OO KELIYA u wada noqon lahaayeen iyagoo gacmaha is wada heysta oo xariga Ilaahey ( Kitaabka Quraan iyo Sunada) ay qabsan lahaayeen oo ay sii deyn lahaayeen nidaamyada shisheeye oo 26 sano na lug gooyey. Taasi waa macnaha guud tafsiirka aayadaha hoos ku qoran ee suuradda Al-Acraaf.

( ولو أن أهل القرى آمنوا واتقوا لفتحنا عليهم بركات من السماء والأرض ولكن كذبوا فأخذناهم بما كانوا يكسبون ( 96 ) أفأمن أهل القرى أن يأتيهم بأسنا بياتا وهم نائمون ( 97 ) أوأمن أهل القرى أن يأتيهم بأسنا ضحى وهم يلعبون ( 98 ) أفأمنوا مكر الله فلا يأمن مكر الله إلا القوم الخاسرون ( 99 ) )

Micnaha guud oo af Soomaali:

96. Ummad meel degan haddii ay Ilaahey keliya rumeyn lahaayeen oo ay ka cabsan lahaayeen isaga kaliya (oo ayan ka cabsan awoodaha ku wareegsan ama wixii shareecada ka hor imaanaya) wuxuu Ilaahey u fur furi doonaa raxmada iyo barakada Ilaahey oo kor (roob barwaaqo wato oo aan cadaab ahey) iyo dhulka (beero iyo xoolo caafimaad iyo barwaaqo) oo micnaheeda tahay nolol lagu dago ( nabad, caano, xasiloonni, amni iyo kala dambeyn iyo dowladnimo ). Laakiin markay diideen ku dhaqanka shareecada (oo ay qaateen dhaqamad xun xun sida Zinada, Khamriga iyo Darooga, Musuqmaasuqa) taasoo u horseeday halaag (amni daro, kala qeybsanaan, dayac, cuqubo joogto, dowlad la’aan, iska daba wareeg iyo tawfiiq iyo nasasho la’aan) oo iyaga gacamahooda sabab u ah.

97. Ma waysan ka cabsanayn inuu Ilaahey halaago iyadoo habeen ay tahay oo hurdo ku jira ( ka dib markay diideen ku dhaqan diintiisa) ama
98. Ma waysan ka cabsaneyn inuu Ilaahey uu halaago maalin cad iyagoo tumanayo ( rag iyo haween oo xaaraanta ku dhex jira).

99. Ma waxay halmaameen inuu Ilaahey halaagi karo macsi darteeda, ruux khasaaray (adduun iyo aakhiro ) ayaa hilmaama awoodaha ilaahey uu dadka ku halaago markay xeerarkiisa ay diidaan. (Imaam Xasan Albasry wuxuu yiray: Waxaa raaxo iyo amni been been ah dareema isagoo macsi ku jira ruux khasaaray adduun iyo aakhiro.

SOMAALI WAA INAY SOO GAARTAA OO AY AQBASHAA IN WAX WELIBA LA TIJAABIYEY LAAKIIN LAGU FASHILMAY BAL AY HORSEEDEEN IN SOOMAALI WAYN IYO JIRITAANKEEDA UU KHATAR KUJIRO. LAAKIIN WAXAAN WELI AAN SI DHAB AH LOO HIRGELIN KU DHAQANKA SHAREECADA OO DHAN!

Shareecada Islaamka haddii si sax loo hirgeliyo waxaa la helayaa:

1. Dal, dowlada iyo dad madaxbanaan
2. Midnimo iyo Soomaali weyn oo xuduud kala laheyn
3. Raxmad ilaahey oo keeni doonto nabad, barwaaqo iyo horumar kala joogsi laheyn

4. Walaanimo iyo is jeceyl kala go’o laheyn oo Ilaahey keenaya
5. Awood iyo heybad ay naga heybeystaan cadawgeena

Imam/Director Hassan Mohamud (Xasan Jaamici), J.D.& Ph.D. in Islamic Studies.
Professor of Islamic University of Minnesota
Islamic Dawah Center/Minnesota Dawah Institute
478 University Avenue West
St. Paul, MN 55103
email: xasanjaamici@gmail.com
Tel. 612-229-9483
Tel. 651-224-6722
Tel. 651-917-0633

kismaayo

Qarax ka dhacay Dulleedka Kismaayo iyo dhimasho ka dhalatay…

Saddex qof oo shacab ah ayaa geeridooday kadib markii ay maanta miino la qaraxday baabuur rayid ah oo ka yimid dhanka deegaanada Gosha kuna sii jeeday magaalada Kismaayo.

Baabuurka ay miinada la qaraxday oo ah nooca Mini Buska ayaa waxaa uu khudaar u waday magaalada Kismaayo.

Dadka dhintay ayaa isugu jira darawalkii gaariga iyo labo qof oo shacab ah.

Goobta gaariga ay miinada kula qaraxday oo ah Deegaanka Wirkooy oo 40 Km dhanka Waqooyiga uga beegab magaalada Kismaayo ayaa waxaa maanta ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Al-Shabab iyo ciidamada Jubbaland.

img_909e48-c01620-ee06fb-618a40-51fbe2-c3b221

MAQAAL: Sii Joogista Madaxtooyada Iyo Musharaxnimada Xassan Shiikh Maxamuud Waa Khalad Huwan Indha’adayg.

Waxaan jeclahay in aan qormadaan cinwaanka sare leh oo aan la wadaagayo bulshaweynta Soomaaliyeed in aan ku bilaabo maahmaahda Soomaalida oo tiraahda(ISMOOG WELI AQLKII BAY ASLAYSAA).Waa haweeynay la furay oo aan dalqadahii iyyadu maqal oo intii saygeedii furiinku ka dhacay oo aan soo gaarin looga soo hormaray oo iyyada oo aqalkii aslaysa ama rinjiyeynaysa la arkay laguna yiri ereyada kor ku qoran.

Waxaan ku baranay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ee mudadu ka dhammaatay 10/09/2016 arimaha hoos ku qoran;

1-Waxqab la,aan aan wixii uu balan qaaday taako ka fulin sida;-

Amnixumo mareysa meeshii ugu sareysay ,18 weriye iyo 30 xildhibaan oo qaar isaga lagu tuhunsan yahay baa lagu laayey Xamar inta uu xilka hayey,shacbigana cidba ma tirakooban la laayey ama halaagsamahy.
2-Isbitaaladu waa lacag oo qofka xanuunsada meel uu u kaco oo caafimaad u aado malaha.

3-Iskuuladu waa lacag oo danyarta Illaah baa u maqan.

4-Maamulo is qaldan u samaysmay oo aan dawlada dhexe hoos imaan,bal eega Hiiraan iyo shabeelaha dhexe markii uu sanad ku dhawaad qoorta isku geliyey,ayuu ku wareejiyey Igad,aaway dadkii Soomaaliyeed iyo madaxbanaanidii qaranku?

5-Wuxuu ku fashilmay in uu Dalka doorasho ka sameeyo inta aan waqtigu ka dhammaan,intii uu lahaa kursiga sii joog oo hawlaha loo idmaday uu hagardaaminayey waqtiga ka sii dhammaanaya ma ka fakaray iyo qodobka 194 ee tastuurka?

Fadlan Xasan Madaxweyne intaas nagu filan(enough is enough) adiga iyo risawasaarahaaga mar nadaaya ,musharaxnimadana ka tanaasula waan idin baranay,waqti danbe oo dhumana uma baahna shacbiga Soomaaliya,mida kale waa qiyaano Xassan wax ka og yahay baaqa Gobolada Waqooyi ka yimid ee IGAD ku socday iyo Siilaanyo oo la yiri Xamar buu ku soo socdaa,inta masuuliinta Soomaaliya lagu xiro Hargeysa see Siilaanyo u soo haweystay Mogadhishow? Ma toobadkeenay?

Waxaan la fiirsan Karin afarta Madaxweyne ee na loogu talagalay in ay cadaw noo gacangeliyaan.Axsaabta iyo wax garadka ha ka banaanbexeen arintaas oo yaan marna loo dulqaadan ,Haddii kale Soomaaliya waa ku daysay oo inta maamul hadda jirta bay u kala go,aysaa,waxaana ku xigta in cadawgeedu saas kula wareedgo

Wabilaahi Tawfiiq

Cabdullaahi Jimcaale Faarax
London, UK

MAQAAL: Baddii Soomaliya oo Faraha ka baxday.

Axmed Cali kaariye oo ah garyaqaan Soomaali ah ayaa ka hadlay xaalada bada Soomaaliya ee muranka ay galisay Kenya, sida uu wax u sharaxay, damaca Keenya wuxuu galay waayadii shirarka loogu qabanaayey Soomalida gudaha Keenya oo ay arkeen taya xumada dadka Soomaliya horboodaaya,in ay yihiin kuwo dhan kasta u jilicsan oo aad u liita.

si kastaba aaha ahaatee waayadii Shariif Shiikh Axmed iyo Cumar cabdirashiid bay Keenya la Soo shaacbaxday in ay sheegato qaybo ka mid ah bada Soomaaliya,kadib markii ay isla gaareen masuuliintaas iyo dawlada Keenya wax ay ku tilmaameen heshiis isfagarad in laga wada hadlo in ay keenya durugsan karto biyo badeedkeeda.

Arintaas waxaa ku baraarugay shacbiga Soomaalida oo ka dhiidhiyey cadaadis xoglehna ku saaray dawlada in ay deg deg uga noqoto ,taas oo sababtay in baarlamaankii ku meelgaarga ahaa wuu go,aan ka soo saaro in heshiiskaasu yahay wax kama jiraan,kadiba resumasaarihii markaas ee ahaa Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa warqad u qoray qaramada midoobay in aan heshiiskaas lagu dhaqmi Karin,qaramada midoobay way laashay ayada oo ku tilmaantay heshiiskaas wax kama jiraan.

Mar kale keenya waxaa u suuroobay in ay ka heshay Xassan Shiikh Maxamuud in uu warqad u qoro ,qaramada middobayna oo ku dhaho waa laga wada hadli karaa xuduudbadeedka Soomaliya iyo keenya,cara labaad baa ka timid shacbiga Soomaaliya waxaana lagu cadaadiyey dawlada Xassan Shiikh in ay arintaas dacwada ka gudbiso,dacwadaas oo soomaaliya u gudbisay maxkamada adduunka bishii saddexaad 2014,ayada oo Keenya mudo loo qabtay ay ku soo gudbiso dacwadeeda,.Keenya weydiiday dacwad in laga furo maxkamada ,waxayna ku andacootay wada hadal siyaasadeed baa noo socda annaga iyo Soomaaliya,sidaas darteed dacwadayada oo wada fiican haysata,waxaa heshiis wada gaaray labada wasiir dibadeed ee Keenaya iyo Sooaamliya ayaa heshiis wada gaaray ay qodabadiisa ka mid ahayd in wada xaajood lagu dhameeyo arinta muranka labada dal.

Mar kale taariikhdu markii ay ahayd bishii afraad 2016 Resulwasaare Cumar Cabdirashiid Urhuru Kenyaataha Keenya ayaa warqad ka saxiixay in la soo nooleeyo Gudigii wadaxaajoodka labada dal ee muranka xuduuda badda.

Arintaas waxaa qayb ka qaatay inta aan garanaayo raga hoos ku qoran;-

Shiikh Shariif Shiikh Axmed
Xassan Shiikh Maxamuud
Cumar Cabdirashiid Cali
Cabdiraxmaan Cabdishakuur
Cabdisalaan Cumar Hadliye

Ragaan dhamaantood waxay yihiin musharash madaxweynaha mustaqbalka mid mooyaane, waana rag mudan in Xeerilaaliya Guud ee qaraanku ku soo oogo danbiilayaal qaa,inu wadaniyiin ah (criminals against flag) maadaama uu jirin garyaqaankii guud ee qaranka Soomaaliyeed waxaa xilkaas saran yahay xeerilaaliyaha.Shacbiga Soomaaliyeed waxaa la gudboon in meel kasta oo ay joogaan ka mudaharaadaan,kuna cadaadiyaan sharciga in ragaan maxkamad la horkeeno masuuliyad ay qaranka ka qabtaana laga dheereeyo, Haddii kale qaranka Soomaaliya adduunyada maabkeed keeda waa ka baxayaa ayyada oo lagu doorsaday nacfi yar,waayo mar kasta oo guushu dhankeena u soo dhawaato maxaa ku kalifaayey in ay xagal daaciyaan dacwadayada sow ma muuqato daneysi gaar ahaaneed (personal interest),waxaa la mid ah gudifaaca qaranka ee baarlamaanka Haddii ayyan shacbiga ka qancin arintaan oo ayyan tilaabo qaadin. dhegayso Garyaqaan Axmed cali Kaariye.

Wabilaahi Tawfiiq

Cabdullaahi Jimcaale Faarax
London UK

ali

Faallo: Wajiyo Kala Duwan & Aragtiyo Isku Mid Ah !

Billaabashada ole olaha doorashooyinka madaxtinimo waxa uu ka dhigan yahay soo if bixidda aragtiyo iyo hiraallo kala duwan oo cod bixiyayaasha shacabka sida dadban u matalaya siiya xulashooyin ay ku kala doortaan murshaxiinta u taagan xilka madaxwenaha Soomaaliya hogaamin doona Afarta sano ee soo socota.

Caqabadda ugu weyn ee murashaxa madaxtinimo qabsan doonta ayaa ah sida uu wakiillada dadban ee shacabka ugu qancin lahaa in uu isagu yahay shaqsiga xilkan ku habboon isaga oo aan soo bandhigin qorshe ka duwan kan marashaxiinta isaga la midka ah ay la soo shir tageen.

Murashaxiinta aan wareystay iyo kuwa aan aragtiyadooda aqriyayba wali kuma arag qorshe qaran oo loo riyaaqo oo taabanaya nolosha shacabka Soomaaliyeed, marka laga reebo erayo waaweyn oo mararka qaar in la fasiro ay ku adagtahay bulshada inteeda kale oo aan haba yaraatee ka turjumeynin baahida ummadda ay doonayaan in ay xukumaan.

Inkasta oo aysan shacabku ahayn cidda wax soo dooran doonta oo qiimeyntoodu aysan wax badan ka baddaleynin ciyaarta siyaasadeed ee ergada ka billaabata kadibna odayaasha soo marta, xildhibaannadana ku dhamaata haddane, waxa ay  xaq ugu leeyihiin in ay ogaadaan barnaamijyada siyaasadeed- haddiiba ay jiraan- oo qorshayaashu aysan ku ekaan Afarta sano ee soo socota oo kaliya.

Tartanka is muujinta ah ee iminkaba billowday ayaa ku qotoma qorshayaal, aragtiyo iyo mabaadi’ isku mid ah oo is barbar socda, taas oo maskaxdaada ku soo ridaya su’aasha ah: Haddiiba isku aragti laga yahay hoggaaminta dalka -waaba haddii ay aragti jirtee- maxaa loogu baahday in la tartamo? Tusaale ahaan; qorshayaasha ammaanka ee ilaa iyo iminka ay murashaxiintu soo bandhigeen waxa ay ku qotomaan Dhisme ciidan qaran oo hanan kara ammaanka dalka Balse, midkoodna ma hayo jawaabta su’aasha ah sidee? Ma jiro musharax soo bandhigay qorshaha ay ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM  dalka uga baxayaan.

Sidaasi si la mid ah shaqo la’aanta, dhaqaalaha iyo deymaha Soomaaliya lagu leeyahay oo gaaraya ilaa shan bilyan oo Doollar, Federaalka, Soomaaliland iyo arrimaha kale ee sida tooska ah u taabanaya nolosha bulshada.

Hal ku dhigyada ayaa iyana isku mid ah sida inuusanba Af-Soomaaligu ku filleyn in la kala erayo duwanaado xitaa haddii uusan fekerku kala duwanayn. Erayada; Caddaalad, Sinnaan, Horumar, Nabad iyo kuwa lamid ah ayaa ku soo laalaabta boorarka waaweyn ee Muqdisho iyo baraha bulshada Internetkaba lagu sharraxay balse Wajiyadu waa kala duwan yihiin.

Marka si guud loo eego tartanka hordhaca ah ee warbaahinta ka socda waxa uu u dhaxeeyaa mas’uuliyiinta dowladda uu xilligeeda sii dhamaanayo iyo mas’uuliyiin hore oo u mucaarad u muuqda, kooxda hore waxa ay ka hadashaa wixii ay soo qabteen oo sida ay u arkaan qabyo tir u baahan, kooxda dambane waxa ay ka hadashaa qaladaadka dowladda si ay u muujiyaan in aysan u qalmin in mar kale la doorto balse, labada dhinacba ma hayaan qorshe shaqo oo haddii ay guuleystaan ah.

Istraatiijiyadda ah muujinta ceebaha murashaxa kula tartamaya oo ah mid kamid ah tabaha caalamiga ah ee olelayaasha doorshooyinka ayey murshaxiinta mucaaradka isku ekeysiiya si aad ah u isticmaalaan, iyaga oo iska illoobay in ay suuq geystaan aragtiyadooda si ay cod bixiyayaal u kasbadaan, iyada oo siyaasadda ceebeynta murashaxiinta kale ay mararka qaar galaafato hay’ado bulsho oo aan siyaasad ka shaqeyn sida hay’ada waxbarasho.

Murashaxiinta mucaaradku waxa ay ku mideysan yihiin mucaaradnimada murashaxiinta xilka mar labaad raadinaya balse iyaga dhexdooda kuma mideysna Aragti iyo musharrax qura.

Xubnaha labada Aqal ee la soo xuli doono kuwooda waddaninimadu ku dambeyso, waxaa ku adkaan doonta kala xulashada wajiyada murashaxiintaa tirada badan ee isku afka ah, taas oo u badan in ay ugu dambeynta iyaguna yagleelaan cabbirro cusub oo qabiil iyo kooxeysi noqonaya, natiijo aan Soomaalidu mahadinna soo saarta.

Waxaa habboon in masharaxiintu dib ugu laabtaan qaabka ay dadka ula hadlayaan iyo waxa ay u sheegayaan oo ay qorshayaashooda iyo waxa ay ummaadda u qabanayaan ka hadlaan, intii ay baarayaal iyo hay’ado la dagaallama musuqa isku beddeli lahaayeen.

In wajiyadu kala duwanaadaan sida hal qabsiga noqotayba kama dhigno isbedel haddiiba aad masuul dowladeed horay usoo ahayd, aragtidaada dowladnimada, qoshahaaga iyo mabaadi’daadanu aysan caddayn. Ilama ah in aad kalsooni ka heli karto ceebeynta nidaamka aad dooneysid inaad hoggaamiso.

CaliNuur Salaad

Wariye Soomaaliyeed

E-mail: Alinoor.salad@gmail.com

Facebook: https://www.facebook.com/SaladAlinur/

Twitter: @AlinurSalad

sir

SHEEKO XASAASI AH: Sirdoon isma Sheego ……….Yuusuf Garaad

Waa sheeko dhexmartay Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo saaxiibkiis Sergei Roldugin oo ay isla soo koreen.

Putin wuxuu ahaa sarkaal ah Gaashaanle Dhexe oo ka tirsan hey’addii sirta ee Midowga Soofiyeeti, KGB.

Midowga Soofiyeeti wuxuu burburay December 1991. Wuxuu isu beddelay 15 dal oo kala madax bannaan oo uu Ruushku ugu quwad weyn yahay. Sidoo kale KGB waxaa beddelay FSK, taas oo 1995 isu rogtay FSB. Putin ayaa madax ka noqday FSB.

Putin saaxiibkiis ay soo wada koreen, Sergei Roldugin ayaa  intuu malahaa ku wareeray waxa uu Putin ka shaqeeyo, waxaa uu damcay in uu kala sheekeysto. Waxay ahayd intii uu Putin ka tirsanaa KGB.

Waxaan ku iri anigu waxaan ahay muusik yaqaan oo waxaan garaacaa Cello. Muusigga sida loo curiyo ayaan aqaan. Adigu maxaad ka shaqeysaa? Wax muhiim ah miyaad ilaalisaa? Dambiilayaa miyaad dabagashaa? Shaqadaadu waa maxay?

Putin wuxuu ku jawaabay Maya. Waxaas anigu shaqo kuma lihi. Waxaan ahay, ayuu yiri, khabiir dadka ku takhasusay. Dabeecaddooda iyo dhaqankooda ayaan darsaa.

Putin markii uu Madaxweyne noqday ayaa nin weriye ahi uu weydiiyay sababta uu sidaa ugula hadlay saaxiibkiis Sergei.

Wuxuu ku jawaabay, haddii aad aragto qof sheeganaya in shaqadiisu ay tahay hey’ad sirdoon, ogow qofkaasi wax aan shaqadiisa ahayn ayuu faraha kula jiraa mana ahan in uu hey’addaas sii joogo.

Weriyihii oo su’aalihiisa sii wataa wuxuu yiri, inta aadan guursan, gabadha aad guursan rabtay ma u sheegtay in aad tahay sarkaal KGB?

 

Wuxuu yiri wakhti badan ma ay ogeyn waxa aan ka shaqeeyo, laakiin markii dambe dabcan waan u sheegay oo waxay dooneysay in ay ogaato qofka ay guursaneysaa waxa uu yahay.

AKHRI: Maxay tahay mushkiladda iyo musiibada ka taagan Somalia? …

Dr Maxamed Xaaji Ingiriis oo ku sugan Magaalada Abuja ayaa farriintan halkaas uga soo diray ummadda Soomaaliyeed:

Walaalayaal,

Saakay markii aan tukaday salaaddii subax, intaan dadku toosin waxaan ka baxay Hotel-ka aan ka degenahay Abuja, waddanka Nigeria. Waxaan lugeeyey 20 daqiiqo, kaddibna waxaan galay xaafad ay deggan yihiin dad Muslimiin ah. Meel jidka dhinaciisa ah ayay dhigteen kuraas, waxayna ku karsanayeen quraac. Waxay u badnaayeen odoyaal waayeello ah. Waan la fariistay. Waxay i weydiiyeen halkii aan ka imid. Markaan u sheegay inaan Soomaaliya ka imid ayay i weydiiyeen su’aal la weydiiyo qof kasta oo Soomaali ah oo la kulma dad ajnabi ah oo la socda arrimaha Soomaaliya: ‘Soomaaliya maxaa la isku dilayaa maalin walba?’. Waxay iigu sii dareen ‘miyaan dad maskax leh jirin oo joojin kara dhiigga daadanaya?’. Kama jawaabin su’aalahaas, illeyn uma hayo jawaabo waafi ah. Hadalkooda wuxuu i soo xusuusiyey heestii abwaannada Soomaaliyeed ay dhawaan allifeen ee lahayd ‘war fekera dadkeygoow / intaad dirirsaneydeen / Dibigii Spain iyo Dunidii Heshiisoo’.

Waxaan odoyaashii Nayjeeriyaankii kala sheekeystay dhaqamada Hausa, Igbo iyo Yoruba iyo sida ay u wada nool yihiin ummadaha iyo qowmiyadaha kala duwan ee dalka Nigeria ku wada nool. Sharraxaad dheer ayay i siiyeen oo waafaqsan wixii aan la akhrin jiray buugaagtii laga qoray dhaqamada iyo taariikhda Nigeria. Waxay i weydiiyeen inta ay le’eg yihiin ‘ummadaha’ iyo ‘dadyowga’ kala duwan ee ku nool Soomaaliya? Bal ka jawaaba su’aashaas, waayo qof walba oo saxaafadda ka arka musiibada ka socota Soomaaliya wuxuu u haystaa in dalkeenna ay ku nool yihiin dadyow kala diin ah oo kala dad ah.

Kheyr badan.
W/Q: Maxamed Xaaji (Ingiriis)
Abuja, Nigeria

mecca-6

Ganacsade Axmed Farax :- Halyeey reer Jubbaland ah oo ku dayasho mudane .

Ganacsade Axmed Farax wa mid ka mid ah Ganacsatada reer Jubbaland oo in mudo ah ku noola wadamada Holland,UK iyo Kenya.

Axmed Farax wa ganacsade qibrad badan u leh ka ganacsiga qaybaha kala duwan ee ganacsiga waxaana uu ku gulaystay Sectoro hore oo uu ganacsi ka sameyay.

Ganacsade Axmed Farax Ganacsiga Hotelka Macca ee Magaalada Kismaayo waxaa uga horeyay ganacsiyo badan oo gulaystay balse sameynta uu midkan sameyay aan sameyn.
mecca-4

Run ahaanti dahfurka Hotelka Macca ee Magaalada Kismaayo waxaa uu wax weyn ka badalay bilicda Magaalada, sido kale waxaa uu dhiiri galiyay maalqabeeno hantidooda kala baqan jiray in ay galiyaan Somalia gaar ahaan Kismaayo oo ah Magaalo aad ugu wanagsan ganacsiga leh na Dakad weyn oo ku xiran wadamada Geeska Afrika..

mecca-2

Hotel Macca ma ahan Hotelka kaliyah ee casri ah ee Magaalada Kismaayo laga hergaliyo sanadiihi ugu danbeyay iyo kuwii horay ugu yaalay ba waxaa jiro Hoteelo kale oo uu ka mid yahay Hotel Agan iyo Hotel Kismaayo, Hotel Maridian ama Cascasey , Hotel Tawakal , Hotel Qiilmawaaye iyo Hotel Xareed Yaroow balse Hotel Macca waxaa uu uga duwan yahay baxaada u hotelka ku fadhiyo, goobta uu ku yaalo iyo sida uu u qalabaysan yahay.

maca

Hotel Macca ayaa marti galin kara ila 400 oo qof waxaa uu sido kale leeyahay Confarence Hall baxadiisu ay weyn tahay laguna qaban karo Shirarka kala duwan iyo waliba Xafladaha Arosyada ayado sido kale Hotelka uu leeyahay Parking la dhigto gawaarida oo qadaya ila 100 gadiid ah.

mecca-1

Dhanka Amanka ayaa Hotelka waxaa uu leeyahay Ilaalo u gaar ah iyo dhamaan agabyada la iskaga difaaco qaraxyada lala beegsan karo Hoteelada ayado dhanka shaqaalaha Hotelka uu leeyahay shaaqale aad logu carbiyay u khidmaynta macaamisha Hotelka.

mecca-5

Ugu danbeyn waxaa qoraalka Bahda Kismaayo24 ee Magaalada Kismaayo ay ka soo diyaariyeen Hotel Macca ku soo gaba gabaynaynaa Hambaliyo Ganacsade Axmed Farax waxad tahay Halyeey u soo baxay guud ahaan Somalia gaar ahaan Jubbaland dad badana ay uga dayan doonan in ay hantidooda galiyaan wadanka Somalia.

 

mecca-3