Category Archives: Arimaha Bulshada

Dowladda Somalia oo Kenya mar kale kaga nixisay iney joojineysa Khaadka + Sababta

Dowladda Soomaaliya ayaa ku hanjabtay iney  dib xayiraad ugu soo rogeyso qaadka kaga keeno Kenya ka dib markii xukuumadda Nairobi lagu eedeeyay iney fulin weysay heshiiskii ahaa in diyaaradaha ka taga Soomaaliya si toos ah uga degaan Nairobi.

Dowladda Somalia ayaa xayiraadda ka qaatay qaadka bishii September ee sanadkaan ka dib heshiis labo geesood ah oo ay gaareen Labada Dowladood oo ku aadan in duulimaadyada si toos ah magaalooyinka u gaaraan.

Todobaadkii la soo dhaafay ayaa Saraakiil ka tirsan Dowladda Somalia ku eedeeyay Kenya iney wali ka aamusan tahay in la badbaadiyo rakaabka safarka Somalida iney sii maraan Wajir si halkaasi baaritaan amni loogu sameeyo.

“ Kenya iyo Somali ayaa ku heshiiyay in xaiyaaradda laga qaado qaadka Somalia horay u mamnuucday,halka Kenya ay meesha ka saarto duulimaadyada Somalida ee lagu dhibaateeyo Wajir,”sida lagu qoray Wargeyska Sunday Nation.

Dowladda Kenya ayaa lagu eedeynaya in wali aysan dhaqan gelin heshiiskaasi.

Dhagayso: Muranka udhaxeeya Iiran iyo Sucuudiga oo meel Qaraar Gaaray + Xajka Sanadkan.

Wadaadka Ugu Sareeya Dalka Iiraan Ayatollah Ali Khamenei ayaa Weerar Xoogan oo dhanka Afka ah ku qaaday Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

War qoraal ah oo uu soo saaray ayuu ku sheegay in Dunida Muslimku ay u baahantahay in ay ka fiirsadaan sida loo maamulo xajka.

Sanadkii hore waxaa Xaramka ku geeriyooday dad badan oo soo xajinayay kuwaas oo ay ka mid ahaayeen boqolaal Iiraaniyiin ah.

Xujayda reer Iiraan ayaan sanadkan soo gudan doonin acmaasha Xajka kaddib markii ay dhicisoobeen wadahallo u socday labada dal oo isku khilaafsan rabshadaha ka taagan Bariga Dhexe.

Halkaan ka dhagayso:

DEG DEG: Magaalada Baydhabo oo lagu soo Bandhigay Hogaamiyihii Daacish ee Gobolka Baay iyo Askartii la Howlgaleysay+Sawirro

Taliska Ciidanka Nabadsugidda Gobalka Baay ayaa magaalada Baydhabo ku soo bandhigay Afar ruux oo ay ku sheegeen in ay ka tirsanyihiin Kooxda Daacish ee ka dagaalanta Buuraha Galgala ee gobalka Bari u qaabilsanaa Gobalka Baay.

Maleeshiyaadka la qabqabtay ee uu soo bandhigay Taliska nabadsugidda Koofur Galbeed ayaa lagu kala magacaabaa Cali Maxamed Gaaboow Wakiilka Kooxda Daacish ee Gobalka Baay, Mahad Nuux Siidoow, Sameyta iyo diyaarinta Qaraxyada Macmalka, C.casiis Xasan Mursal Jabhadaha, iyo Maxamed Sh Isaaq oo Bambo tuurka qarxinta miinooyinka qaabilsan.

Cali Maxamed Gaaboow oo sheegtay in uu wakiil u ahaa Kooxda Daacish ayaa SONNA u sheegay in Afar Sano uu al-shabaab ka tirsanaa una qaabilsanaa dhinaca dagaal galinta kana Shaqeynjiray Ceelasha illaa iyo Marko, Balse mar dambe uu is fahmi waa soo kala dhexgalay kadibna uu ku biiray Kooxda Daacish.

“Amiir Xasiira ayaa Al-shabaab la iiga dhex yaqaanay, shir ayaan Ceelasha biyaha ku qaadanay aniga waxaa la ii xilsaaray wixii markaas ka dambeysay Amiirka Daacish ee gobalka Baay kadib markii aan isfahmi weynay”.

Saraakiisha Ammaanka Koofur Galbeed ayaa SONNA u sheegay in Shabakaddaan la qabtay Afar Maalin ka hor, islamarkaana si qarsoodi ah uga dhex shaqeysanayay Magaalada Baydhabo, markii xogtooda laga war helayna ay ciidamada Ammaanku gacanta ku dhigeen.

Qaar kamid ah Maleeshiyaadka la qabtay ayaa sheegay in ku biiritaanka kooda al-shabaab ay ku tashkiiliyeen kooxo ku sugan deegaanada gobalka bari kuwaas oo ay xuseen in taleefoon ay kusoo waceen.

Dowladda Mareykanka ayaa Isbuucaan Horraantiisii liiska Argagixisada ku dartay Horjoogaha Kooxda Daacish Cabdulqaadir Muumin, kaas oo sheegtay in uu yahay Hoggaamiyaha Daacishta Soomaaliya.

 

vlcsnap-2016-09-02-11h07m41s44 vlcsnap-2016-09-02-11h08m08s198 vlcsnap-2016-09-02-11h09m04s117 vlcsnap-2016-09-02-11h09m24s29

ll

output_WloGs7

Top News: Maxaa Saacadan La Joogo Ka Cusub Sheekadii Manchester United Iyo Weliba Sidoo Kale Pogba (War Ayaan Idinkaga Wadnaa)

Paul Pogba ayaa la saadaaliyey in uu lacagta rikoorka adduunka ugu dhaqaaqi doono kooxda Manchester United Axada beri ah,

Xiddiga Khadka dhexe ee Juventus ayaa la qorsheeyay inuu uduullo England si uu tijaabada caafimaadka u dhameystiro.

Ciyaaryahanka reer France oo 23-sano jir ah ayaa £ 112m ugu biiri doona kooxdaUnited, iyadoo tababare Jose Mourinho uu u noqon doono saxiixii afaraad ee xagaagan suuqa uu ka qaato.

Mourinho oo ka hadlay shir jaraa’id shalay oo jimco ah waxa uu sheegay in uu diirada u saaran yahay kooxdiisa ciyaaryahankaan katirsan Juventus.

Tababaraha Manchester United ayaa cadeeyay ka hor inta uusan furmin xili ciyaareedka cusub ee United in ay dhameystiri doonto kooxdiisa saxiixa Pogba,

Manchester United ayaa tartanka Community Shield ku wajahaysa kooxda Leicester City maalinta beri ah.

Wargeyska Talyaaniga ah ee La Stampa ayaa xaqiijiyay in heshiiska uu yahay mid labada koox ay ku heshiiyeen, islamarkaana ciyaaryahanka uu uduulayo England si uu tijaabada caafimaadka kaga gudbo.

XASAASI: Madaxweynaha Argentina Oo Ka Hadley Go’aankii Messi Uu Ciyaaraha Caalamiga Ah Uu Kaga Fariistey, Isagoona………………….

Madaxweynaha Argentina Mauricio Macari ayaa sheegay in dalka uu doonayo in kubada cagta caalamiga ah uu kusoo laabto xiddiga Lionel Messi .

Madaxweynaha ayaa ku kalsoon in Messi uu hoggaamin doono xulka qaranka ee ka qeyb galaya Koobka adduunka 2018 ka dhacaya Russia.

Messi ayaa ku dhawaaqay inuu ka fariistay ciyaaraha caalamiga ah ka dib markii guuldarro Argentina ay kasoo gaartay finalka Copa America bishii June.

Weeraryahanka Barcelona ayaa ku lug lahaa afar finals oo ay gaareen Argentina, laakiin waxa uu ku guuldareystay kaliya mid kamid ah.

inkastoo uu sheegay inuu doonayo in uusan mardambe u ciyaarin xulka qaranka Argentina, Madaxweynaha qarankaan Mauricio Macari ayaa sheegay in 29-sano jirkaan uu beddeli doono go’aankiisa sida fudud uu ku qaatay.

XASAASI: Maxaadan Ogeyn Oo Ka Cusub Wadahadaladii Turkey-ga Ee SOmalia Iyo Somaliland???

Dowladda Turkiga waxaa ay sheegtay inay Dhexdhexaad ka tahay Wada-hadalada u dhaxeeya Maamulka  Soomaaliland iyo Dowladda Federaalka ee Soomaaliya kaas oo dhowr jeer oo horre Dowladda Turkiga marti galisay.

Waxaa ay sheegtay Dowladda Turkiga in Markasta Diyaar u tahay sidii wada-hadaladaas ku qabsoomi lahaayeen haddana Soomaaliya iyagu ula dhaqmaan si-isku mid ah oo aan kala laheyn Soomaaliland iyo Soomaaliya.

Safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya u fadhiya Olen Ebekar ayaa sheegay inay Soomaaliya Hormar ku gaari karto iyada oo Noqota mid mideysan taasna sidii lagu gaari lahaa markasta ka shaqeynayaan.

Waxaa uu Safiirku sheegay in Muhiimada lasaarayo sidii waxkasta si-wanaagsan ugu dhamaan lahaayeen markasta.

Sidoo kale Safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya Olen Ebekar ayaa codsaday in aan marnaba la-carqaleyn wada-hadalada Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Maamulka Soomaaliland.

Dhowr Jeer hore ayaa waxaa dhacay kulamo u dhaxeeyey Dhinacyo kala matalayey Dowlada Soomaaliya iyo Maamulka Soomaaliland kuwaas oo sheegay inay isaga go-een Soomaaliya inteeda kale, inkastoo aysan jirin wax Natiijo ah oo kulamadaas ka soo baxay.

Dadka Arrimaha Siyaasadda aadka uga hadla ayaana sheegay in aan marnaba leysku soo hadal qaadin Qodobadii aadka muhiimka u ahaa oo Dadku daneynayeen kuwaas oo ay kamid tahay arrinta gooni isku taaga Soomaaliland iyo sida laga yeelayo iyo arrimo kale oo muhiima.

Akhriso: Sheeko Gaaban: ‘‘Qaaddiyoow Xalay Maxaa Itiri’’ W/Q: Zakariye Qaran

Maalin maalmaha kamida ayaa waxaa dhacday in nin reer miyi ah oo lahaa tiro lo’ ah in lo’diisu ay gashay Beer uu lahaa nin ay deris ahaayeen.

Waxaa dhacday in ninka lahaa beerta uu u dacwooday maxkamad iyada oo uu sheegay in uu doonayo in lasiiyo wax udhigma tacabkii beertiisa ee lo’ du ay cuntay.

Ninkii lahaa lo’ada ee loohesto dacwada ayaa looga yeeray maxkamada waxaa lagu balamay in maalin kadib la isugu yimaado maxkamada.

Ninkii waxaa uu talamo oo uu taladu hadba dhinac ugedgediyo waxaa usoo baxday in uu latashto qaaddiga maxkamada ee berito garta gonlahaa.

Waa ay wada shekesteen xoogaa caqlin celin ah ayuu kahelay qaadiga oo ay saaxiibo ahaayeen.

Qaaddiga ayaa ninkii lo’da lahaa kuyiri hadii ay dhacdo in sidaa lagu yiraahdo sidaan ku jawaab hadii dhinacaa kale sidaa lagu yiraahdo sidaa dheh markaa adigaa guleysanaayo.

Maalintii ayaa la gaaray oo waxaa la isugu yimi maxkamadi markaas ayaa waxaa su’aalo wey diin lagu bilaabay ninkii lo’ada lahaa ee loo heystay tacabkii beerta ee lo’ diisu ay cuntay waxaa ugoysay waxyaabihii habeenkii oo idil lagu shubaaye wax uu sheego ayuu garan waaye markaasuu ku yiri Qaaddiyoow Xalay Maxaa Itiri.

Qaaddigii maxkamada ayaa yaabay waxaa uu ka baqay in uu fashiliyo ninka kan waxaana uu ugu jawaabay waxaan ku iri xoolaha laguugu leyahay iska bixi.

W/Q: Zakariye maxamuud cali [Qaran]

Email: Qaran225@gmail.com

DEG DEG: Hey’adda NISA oo sheegtay In Howlgal Qorsheysan ay ku dishay madaxii qaybaha Jabhadaha iyo Amniyaadka ee Al-shabaab+ Magaca Horjoogaha la dilay iyo Halka lagu dilay

Wararka ka imaanaya Deegaanka Kuuno Baroow ee Gobolka Shabelada Hoose ayaa waxa ay sheegayan in Ciidamo is garabsanaya oo NISA iyo Ajaanib ah ay weerar ku qaadeen Saldhig ay ku sugnaayen Dagaalyahano ka tirsan Alshabaab oo Sarkaal Muhiim ah uu ku jiray.

Hay’adda Nabada sugida qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa xaqiijisay in ay dishay madaxii qaybaha Jabhadaha iyo Amniyaadka ee Al-shabaab, kaasi oo markii hore la baxay Suheyb balse magaciisa dhabta ah uu yahay Daauud.

Howlgalkaan oo aha mid Qorsheysan ayey NISA sheegtay in ay si wada jir ah u fuliyeen Ciidamada Kumaansoodka Soomaliya iyo Ciidamo Ajaanib ah oo ay ku sheegen in ay yihiin Saaxibadooda Caalamka waxaana NISA Xaqiijisay in lagu dilay Howlgalkaasi Madaxii qaybaha Jabhadaha iyo Amniyaadka ee Al-shabaab oo Magaciisa ay ku sheegtay Daa’uud Balse shabaabka looga yaqaanay Magaca Suheyb.

NISA ma aysan Sheegin waqtiga uu howlgalka dhacay iyo qasaaraha kale ee ka dhashay weerarka ay sida wada jir ah u qaadeen NISA iyo Ajaanib loo badinaayo in ay mareykan yihiin .

Ma jirto war ka soo baxay Shabaab oo Howlgalkaasi looga hadlay sidoo kale ma jirto Faah faahin dheeraad ah oo NISA ay soo saartay inkasto ay sheegtay in goordhaw saxaafada lala wadaagi doono howlgalkii ka dhaca Koonyo Baroow.

La soco wixii ku soo kordha Insha allah

TOP NEWS: Ragii loo Heystay Qaraxyadii kampala oo Xukunno kala Duwan lagu Riday

Maxkamad Uganda, ayaa xabsi daa’in ku xukuntay shan ruux oo lagu heley inay ka dambeeyeen weerarkii argagixisnimo eek a dhacya July 2010 magaalada Kamabala ee dalka Uganda, halkas oo ay ku dhinteen 76 ruux.

Qaaddiga maxkamadda oo layiraahdo Alfonse Owiny-Dollo, ayaa xukunka ku ridey dadkaasi Jimcaha maanta, maalin uun ka dib markii ay maxkamaddu dambiga ku hshey. Waxay sido kale maxkamadda 50 sano ku xukuntay laba ruux oo kale oo ka mid ahaa dadkii dambiga lagu helay.

Kooxda al-Shabaab, ayaa weerarkaasi lix sana kahor ka dhacay Uganda sheegatay inay iyadu masuul ka aheyd, markaa soo lagu qaaday goobo dadku ay ku daawanayeen cayaarihii kama dambeysta ee koobkii adduunka.

Alshabaab ayaa weerarkaasi ku macneysay inay aheyd digniin ay u jeedineysay Uganda si ay ciidamadeeda qaybta ka ah AMISOM Soomaaliya ugala baxdo.

Qaadiiga, ayaa ISsa Ahmed Luyima, oo Ugandes ah waxa uu ku tilmaamay in uu ahaa maskaxdii ka dambeysay weerarradaasi.