Caruur Barakacayaal ah oo Miino ay garaacayeen ay kula qaraxday Wuqooyga Magaalada Galkacyo

0

Kadib dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay sagaashameeyadii waxaa jiray haraadiga waxyaabaha qarxa oo dagaalladaasi ay ku reebeen deegaannada miyiga ah ee gobollada dalka.

Caruur ku nool kaam barakacayaal ah oo ku yaala wuqooyga galkacyo ayaa waxaa la qaraxday miino ay ku cayaarayeen.

Caruurta ayaa miinada ka helay meel hood ah waxaana ay isku dayeen in ay garaacaan oo ay ku cayaaraan balse miinada ayaa markii dambe la qaraxday caruurta.

Qaraxa miinada waxaa ku dhintay 1 canug halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen 10 caruur ah.

Caruurta qaraxa ku dhaawacmay waxaa xaaladdooda caafimaad lagu dabiibaya cisbitaalka guud ee magaalada galkacyo.

Seddex kamid ah caruurta qaraxa ku dhaawacantay ayaa laga deyrinaya xaaladdooda caafimaad.