Animation

Carte ” Xukunka Soomaaliya waa in loo qeybsadaa Somaliland iyo Koonfur “

no responses
Monday November 23, 2015 - 9:20 under Somali News by admin
mqdefault

Kulan ballaaran oo shalay uga furmay Muqdisho ergooyin kasoo jeeda gobollada waqooyi ee iminka la baxay Somalilan, loogana hadlayey hiigsiga 2016 ayaa waxaa ka qeybgalay madax kala duwan oo halkaasi kasoo jeeda.

Kulankan oo ahaa inuu ka dhaco gobollada waqooyi ayaa haddana sababo jira awgood waxaa uu ka dhacay Muqdisho, kaasi oo lagu doonayo in lagu dhageyso aragtida beelaha deggan gobollada waqooyi ay ka qabaan isbadelka dalka ka dhaca iyo qaabka doorashada soo socota u dhici doonto.

Ra’iisul wasaare kuxigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte oo ka hadlay kulankaasi ayaa waxaa uu sheegay inay muhiimada weyn siinayaan midnimada dalka Soomaaliya, taasi oo uu ku sheegay inay tahay mid wax badan lagu wada gaari karo.

Waxaase uu sheegay in siyaasiyiinta iyo bulshada kasoo jeeda gobollada Waqooyi ay qabaan fikir ku aadan in awooda dalka loo qeybsado Koonfur iyo Waqooyi (Somaliland), isagoona arrintaasi ku tilmaamay xaqa iyo cadaalada lagu soo celin karo wadajirka.

“Waxaan qabnaa haddii aanu nahay siyaasiyiinta iyo shacabka kasoo jeeda Somaliland in awooda dalka loo qeybsado Waqooyi iyo koonfur, taasi ah 50%, haddii kale caqabada waa sii jiri kartaa” ayuu yiri Maxamed Cumar Carte.

Madaxda kale ee kasoo jeeda gobollada waqooyi ee kulankaasi joogay waxaa ka mid ah wasiirka warfaafinta Maxamed Abdi Xayir Maareeye, Xildhibaanad Fawsiyo Xaaji Aaden iyo Xildhibaan Xuseen Carab Ciise.

Hadalka Ra’iisul wasaaraha ayaan la ogeyn sida uu macquul ku yahay  iyo sida ay uga jawaabi doonaan qeybaha kale ee Soomaalida, iyaddoo xaalka lagu jiro uu ka durugsan yahay waqooyi iyo koonfur oo dadku beelo wax ku qeybsado.

Dhinaca kale, madaxda Somaliland ayaan la ogeyn haddii xitaa fikirkaasi la qaato sida ay u arkaan ama inay wax ka baddeli doonaan fikirkooda gooni isku taaga Soomaaliya inteeda kale.

Shir-Beelaha-Waqooyi-Muqdisho-1 Shir-Beelaha-Waqooyi-Muqdisho-2 Shir-Beelaha-Waqooyi-Muqdisho-3 Shir-Beelaha-Waqooyi-Muqdisho-4