Animation

Calanka Guudka ii suran waa dhaxal awoowgeey:-

no responses
Friday June 9, 2017 - 2:42 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Ilmaheeyga ayaan saaka kasoo tagay garan maayo inaan dib ugu noqonaayo anigoo nool ayaguna waa walwalayaan Waan soomanahay kuleeylku waa 35 degree.

Waxaan halis u ahay in Calankaa madaxa ii suran Daraadii leey toogto oo ubadkeeygu agoon noqdan barina aaysan Kaalmo kaa helin adiga iyo Madaxda dowladaba .

Xirfad kale ma waayin waxaan ahay dhalinyaro wax bartay ugu yaraan miis ayaan qarre saaran karaa ilmaheeygana ka biilan karaa anigoon cabsi qabin.

Waxaan halkaas u taaganahay in ilmaheyga, ilmahaada, waaridkeena ciideena , calankeena adiga aay nabad iyo sharaf ku noolaadaan oo aay asaaygood la mid noqdaan ,

Waxaaa suuro gal ah inaad meel nabad ah joogto ilmahaadu nabad wax kuugu bartaan adiguna nabad ku shaqeeysatid adigoon cabsi qabin laakiib askari madoow ama cadaan ah calanka dalkiisa xiran uu amar ku siiyo adiguna si taxadar leh u qaadatid wuuba ku siiyaa anigaa og oo waad qaadataa ,

Markaad gurigaada kusoo laabato waxaad qolkaada fadhiga lasoo fadhiisataa kumbuuter intaad cabitaan qudaar laga sameeyey soo qaadato halkaas ayaad aniga i dhahdaa qabiil ayuu u socdaa waa tuug dadka dhaco waa in leeyska celiyaa waa reer hebele askarigi saaka amarka ku siiyey ee aad dalkiisa joogto qabiilkiisa ma taqaan?

Mushaar igu filan ma qaato marmar waan waayaa ilmaheeygana kuwaada kama nasiib xumo laakiin adigu dalkaada waad ka carartay aniguse waan u dhabar adeegay si aad bari usoo noqoto balse intaad ugu yaraan ii mahad celin laheed ayaad i caaydaa qabiiil igu riixdaa qabiilkaas ilmaheyga waligii 10 dollar ma siin hadeey qadayaan kama war qabaan qarankeena aan u shaqeeynaa igu tix gali oo hadii aanan kaalmo kaa heleynin kalmado dhiiri galin ah aan kaa helo ,

Ogoow dalkaada nin malahan waa dhaxal awoowe hadaad qof nacdo maahan inaad dalka iyo dadka dhan nacdo walaal kuleeylka, balaanbalka iyo boorka calanka guudka ii suran ayaan u taaganahay balse aqoon, aqli, xoog aan qol qaboow ah ku galo gulalheey waa igu galaday ee ogoow

Sheekadaan askarigaan ayaaan ka sameeyey haadad ka heshay sii faafi warsan iyo Weersan

W/Q Abdullahi Salaad

Facebook Comments