Animation

CADEYN: Maxaa ka Jira In Talefankaada Whatsapp-ka uu Nambar kaa soo wacaayo Kadibna aad u Dhimaneyso??

no responses
Wednesday October 5, 2016 - 11:14 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

whatsup2

Bishii SEPTEMBER 2015 Blog laga akhriyo Internetka oo la yiraahdo HOAX SLAYER oo micnihiisa yahay BEEN GAWRACE ayaa lagu arkay qoraal noocan ah “Satanic Agents Looking for Blood ‘ WhatsApp Warning Hoax” Shaqaalaha Shaydaanka oo doonaya dhiig, kaasoo ahaa arimo ka soo bilowday India ka dibna ku faafay qaarada AFRIKA.

Arrimaha noocan ah mar walba Internetka waa lagu arkaa, laakiin waa sheekooyin mala awaal ah oo dad qaarkood ay u isticmaal dana iyaga u gooni ah ama doonaya in ay lacag si qarsoon uga sameeyaan.

Arrimahan ma ahan kuwa hada bilowday, bishii Abriil 2007 wadanka PAKISTAAN waxaa laga soo alifay arin tan iminka INTERNETKA AFRIKA qabsatay oo kale, iyadoo la yiri sida aad ku aragtaan qoraalka hoose: “waa muhiim nambaradan hadii ay ku soo wacaan haka qaban”

Waxaa kale oo arinta noocan ah ay ka dhacday wadanka MASAR sanadkii 2009,taasoo dhalinyaro ay INTERNETKA MASAR soo geliyeen in qofkii TEXT MESSAGE ama RISAALA looga soo diray nambar noocaan ah fura isla markiiba uu DHIIG MATAGAYO horena ka dhimanayo, markii ugu dambeysay dhalinyaradii arimahan faafisay waa la qabtay oo xabsi aad u dheer loo taxaabay eeg “sawirka hoose”

Arimaha noocan ah marwalba way dhacaan,wax ka jira haba yaraatee ma jirto, Dabcan telefoonka gacanta qof waa lagu DILI karaa,waxaa inta badan isticmaala ciidamada SIRTA ee wadamada reer galbeedka iyo ruushka.

Tusaale ahaan bishii JANAAYO 1996 ciidamada sirta ee ISRAA’IIL waxay isticmaaleen telefoonka gacanta uu watay YAXYA AYYAASH oo ahaa dagaal yahan FALASTIIN ah,laakiin qaabka ay ugu dileen wuxuu ahaa in dad ay qaraabo yihiin oo dukaan MOBILE lagu sameeyo uu u geeyay,ka dibna ciidanka YAHUUDA ay lacag farabadan siiyeen si CHIP waxyaabaha qarxa ay u geliyeen,dhowr maalmood ka dib isagoo ku hadlya telefoonka gacanta ayaa meel fog SIGNAL QARAX ah looga soo diray.

Kuwaan waxay la mid yihiin dadka FACEBOOK soo geliya hebel baa XANUUNSAN iyo heblaa CANCER ku dhacay ee AAMIIN ku qor hoos,waxay doonayaan in FACEBOOK oo DYNAMIC ah uu sawirkooda caan ka noqdo.

whatsapp1-768x259
2013 gobolka COLORADO ee wadanka Mareykanka waxaa ka dhacay qiso noocaan oo kale ah,gabar ilmo NAAS nuujineysa ayaa waxaa la sheegay in telefoonka gacanta dhowr jeer MESSAGE ama FARIIN uu uga soo diraySHAYDAAN isagoo isticmaalaya NAMABRKA 666,taasoo markii dambe la ogaaday in BEEN ABUUR ay ahayd.

Baraha SOCIAL MEDIA labadii maalmood ee la soo dhaafay waxaan ku aragnay sawiro kala duwan oo la yiri waxaa soo diraya SHAYDAAN DHIIG doonaya,hadii aad qabatid waad dhimaneysaa,asxaab aad u farabadan ayaa su’aalo iga soo weydiiyay,jawaabteyda waxay ahayd sawirka hoose:

whatsup2

Qoraalka waxaan ku soo af-jarayaa in waxyaabahan aan ka hadalnay ay 100% yihiin BEEN ABUUR ay ka dambeeyeen dad  CLICK in ay helaan doonaya ama magac ku raadinaya baraha SOCIAL MEDIYAHA si shabakadahooda ama boggaga ay leeyihiin meesha ugu sareysa ee GOOGLE ay gaaran ama RANKING fiican sameeyaan.

Qore: Abdinasir Ismail “SOLA”

Investigative Journalist