Cadaado:- Ciidamadda Galmudug oo Sameeyay Howlgallo lagu soo qabtay rag isbaaro dhigtay duleedka cadaado

0

Ciidamada maamulka Galmudug ayaa maanta howlgal ballaaran ka sameeyay duleedka magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa la sheegay in Ciidamadu ay Cagta ku mariyeen Jidgooyo cusub oo la soo dhigay nawaaxiga magaaladaasi.

Taliye ku xigeenKa saldhigga degmada Cadaado Cumar Macalin oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in howlgalkaasi lagu dilay 1 ruux oo ka mid ahaa maleeshiyaadka ay u tiilay Isbaaradaasi.

Waxaana uu intaasi ku daray un gacanta lagu soo dhigay ku dhawaad 20 ruux, kuwaas oo loo taxaabay xabisiga magaalada ee xarunra Baarlamaanka Galmudug.