Animation

Cabudwaaq :- Wafdi Salaadin oo uu hogaaminayo Suldan Garbacune oo Cadaado ku wajahan.

no responses
Wednesday September 7, 2016 - 2:36 under Breaking News by admin
mqdefault

Wararka naga soo garaya Magaalada Cabudwaaq ee bartmaha Somalia ayaa waxay sheegayan in magaaladaasi ay ka baxayan wafdi saladiin ah .

 

Wafdigaan ayaa waxay ku wajahan yihiin Dagmada Cadaado ee xarunta kmg ah ee Galmudug State.

 

Wafdigaan oo ka kooban Saladiin iyo Nabadoono si weyn loga yaqaan waqooyiga Galgaduud ayaa waxaa hogaaminaya Suldan Axmed Suldan Xasan  Garbacune.

 

Ujeedada Socdaalka wafdigaan ayaa waxaa lagu sheegay in ay ka qayb qadan doonan so xulista ergada dooranaysa  Xildhibaanada Aqalka Sare iyo midka hoose oo lagu qaban doono Magaalada Cadaado.

 

Safarka Salaadintaan  ayaa waxaa uu imanaya xili qar ka mid ah dhaqanka beesha Sade ay qadaceen ka qayb galka shirka lagu so xulayo barlamanka cusub ee Somalia.