CABIRAXMAAN XOOSH: WASIIRKII DASTUURKA EE DFS OO KU GEERIYOODAY DUBAY

0

Inaa Lilaahi wa Inaa Ileyhi Raajicuun

War soo gaadhay Kismaayo24.com ayaa sheegaya in Alle ha u naxariistee in Cabdiraxmaan Xoosh Jibrill, Wasiirkii Dastuurka ee DFS uu ku geeriyooday dalka Isutaga Imaaraadka Carabta.

Marxuum Wasiir Xoosh, ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay Soomaaliya, iasagoo xiligii Dowladii Kumeel Gaadhka aheyd iyo ka gadaal markii ay Soomaaliya ka baxday KM-ba.

Sidoo kale Wasiir Xoosha ayaa horey u soo noqday Xildhibaan.

Marxuum Xoosh ayaa lagu xasuustaa doorkii hormuud-nimo ee uu ka qaatay qorista iyo meelmarinta Dastuurka KMG ee Soomaaliya, isaga oo hadda ku howlanaa sidii Dastuur dhamatiran loogu samyn lahaa Soomaaliya.