Cabdiraxman Cabdi shakuur oo digniin udiray Golaha Shacabka.

0

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ee mucaaradka ku ah Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si adag uga hadlay Ajendaha koowaad ee kalfadhiga baarlamaanka Faderaalka, kaas oo laga dhigay Dhageysi Dibu eegista Dastuurka KMG ah ee dalka, xili amnigii caasumada uu faraha kasii baxayo.

Mr, Warsame ayaa ku sifeeyey baarlamaanka in ay yihiin kuwa matala Shacabka, haddii ay maanta ka doodaan Dastuur iyo arrimo la xariirana ay ka dhigan yihiin in ay lumiyeen fursad qaali ah oo ay ku badbaadin kareen Shacab Soomaaliyeed.

Hoggaamiyaha Mucaaradka ah ayaa sheegay in Amniga faraha ka sii baxaya oo aysan ka hadlin ay ka dhigan yihiin Kuwa Argagixisada u sahlaya in ay laayaan Shacabka Soomaaliyeed, waxna lagama sugi karro ayuu yiri.

Wuux metelaa shacabka, sababtaas ayaa loo yiri Golaha Shacabka. Haddii Baarlamaanku ajandaha koowaad ee uu maanta ka hadlayo noqo waayo xaalada amni daro ee dalka ka taagan, wuxuu qayb ka noqonayaa kuwa argagexisada shacabka u hoosaasinaya, ku tashina ma laha’’ Ayuu yiri Siyaasi Cabdiraxmaan.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in looga baahan yahay Xukuumadda in lagula xisaabtamo arrimaha Amaanka ee faraha ka sii baxaya, iyadoo todobaadkii u dambeeyey ay dhinteen ku dhawaad 100 qof, kuwaas oo lagu dilay weeraro qaraxyo ah oo lagu qaaday xarumo dawladeed, goobo shacab iyo Saraakiil dawladeed.

Xildhibaanada qaarkood ayaa dood adag maanta ka keenaya Ajendaha kulanka lasoo diray xalay, waxayna u arkaan talaabo lagu baalmarayo waajibaadka golaha Shacabka, oo Amnigu uu ka muhiimsan yahay Dastuurka.