Somali News

Cabdikariim Guuleed oo war kasoo saaray xiisadda u dhaxeysa siyaasiyiinta Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

 

Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed, oo hadda ka mid ah siyaasiyiinta la filayo inay ugu cad-cadaadaan doorashada 2021, ayaa ku baaqay in la dajiyo xiisadda ka dhalatay falceclinta hadalkii Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen uu ka sheegay Magaalada Baydhabo.

Mudane Guuleed oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa ku baaqay in laga fogaado hadalada caadifadda leh oo dadka wadajirkooda iyo walaaltinimadooda dhaawacaya waxna u dhibaya.

Wuxuu sheegay inuu hubo in dadka reer Galmudug guud ahaan iyo dadka reer Gaalkacyo aysan talo iyo tashi intaba ku dilin kuna xasuuqin dad reer Koofur Galbeed ah.

Sidoo kale wuxuu sheegay inaysan xaq aheyn in dadka reer Koonfur Galbeed  lala xiriiriyo falalka argagaxiso iyo qaraxyo ee Muqdisho iyo Soomaaliya inteeda kalaba ka dhacaya, kuwaas oo uu sheegay inay hubaal tahay in dad badan oo reer Koofur Galbeed ah ay ugu horeeyaan inta wax ku noqota, dhibaataduna ka soo gaarto.

Related posts

Madaxda Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya oo ku heshiiyay xoojinta nabadgalyada iyo iskaashiga dhaqaalaha

admin

TOP NEWS: Maxaad ka ogtahay Qodobada Xasaasiga ah ee looga hadli doono Wada hadalada u dhaxeeya Dowlada Federaalka iyo Maamulka Soomaliland oo Maanta ka Furmaya Magaalda Istanbul

Tifaftiraha K24

War Cusub: Baarlamaanka federaalka oo fasaxay qoondada uu ciidanka ku leeyahay miisaaniyadda dowladda

Tifaftiraha K24