Somali News

Cabdikariim Guuleed Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug oo baaq ka soo saaray.

Madaxweynihii hore ee Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa baaq nabadeed ka soo saaray colaada ka jirta deegaano ka tirsan Gobolka Mudug.

C/kariin Guuleed ayaa ugu baaqay beelaha ku dagaalamaya deegaanada Af-barwaaqo iyo Towfiiq inay joojiyaan dirirta.

“Waxaa mar labaad baaq nabadeed u soo jeedinayaa beelaha walaalaha ah ee ku diriraya deegaanada Af-barwaaqo iyo Towfiiq, anigoo ka codsanaya inay xabadda deg deg u joojiyaan, gogol wadahadalna isugu yimaadan, colaad wiilbaa ku dhinta wiil kuma dhasho, burbur iyo barakac waxaan aheyna lagama dhaxlo, Waxgaradka halkaas ku suganna waxaan u soo jeedinayaa daminta colaadaas inay ku baxaan, nabadna kala dhex dhigaan dadkaas walaalaha ah ee halkaas ku diriraya”ayuu C/kariin Xuseen Guuleed.

Dagaal u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed ayaa mar kale dib uga soo cusboonaaday deegaano ka tirsan Gobolka Mudug, waxaana dagaalka uu salka ku hayaa muran dhul.

Related posts

Daawo: Madaxweynaha Galmudug oo Nairobi kula Kulmay Musharixiin u taagan Xilka ….

Tifaftiraha K24

DAAWO:Gobolkee ayuu kasoo jeedaa ninkii dilay maareeyaha DP World ee Dekada Bosaaso

Mohamed Abdirashid Abaajo

Maxadan ogeyn oo ku so kordhay Shirko Cadaado

admin