Cabdi Weli Gaas Oo Mooday Puntland In Ay Ka Madax Banaan Tahay Somaliya AKHRISO.

0

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo dalka dib ugu soo laabtay ayaa warbaahinta uga warbixiyay safarkiisii Imaaraadka iyo waxyaabihii uu kala soo kulmay.

Madaxweynaha Puntland wuxuu sheegay in ay ka wada hadleen arrimaha ku saabsan Ammaanka, Ganacsiga & Xariirka labada dhinac, wuxuuna sheegay in horumarinta Kaabayaasha dhaqaalaha ay tahay waxa ugu weyn ee ay dhinacyadan ka wada hadleen.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in uusan waxba khilaaf ah kala dhaxeyn Madaxda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, waxaana uu sheegay in uu isagu diiradda saarayo oo kaliya Horumarinta Danaha Puntland, taasna ay wadiiqo kasta u marayaan.

Mr, Gaas ayaa sidaas oo kale la weydiiyey arrimaha la xariira kalmad uu ka jeediyey dalka Imaaraatka Carabta oo ahayd Muqdisho ma’ahan Soomaaliya, taas oo ay dadku siyaabo kala duwan u falanqeyeen, wuxuuna sheegay in Muqdisho oo kaliya uusan dalku aheyn.

C/wali Gaas ayaa sheegay in qof kasta uu faham leeyahay,islamarkaana oraah uusan kala jeedin qofkasta aragtidiisa balse uu micno gaar ah ka lahaa,sida uu hadalka u dhigay.