C/wali Muudey oo ka horyimid Hadal heyska Nabad iyo Nolol isagoona sheegay in aan dowladdu loogu yeeri karin

0

C/wali Muudey guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka ayaa ka horyimid hadal heyska Nabad iyo Nolol ee Dowladda loogu yeero .

Muudey wuxuu sheegay in Dowladdu aysan aheyn Nabad iyo Nolol oo ay tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomalia Balse wuxuu sheegay in xukuumadda loogu yeeri karo hal qabsiga #NabadiyoNolol.

“Dowladda Nabad iyo Nolol ma ahan, Xukuumadda Nabad iyo Nolol iska dhaha hadaad rabtiin, laakiin dowladda waa Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya”ayuu yiri C/wali muudey.

Xildhibaanada Baarlamaanka ee maanta ka hadlay kulankooda caadiga ahaa ayaa waxay soo hadal qaadeen hal heyska ama magaca Nabad iyo Nolol oo noqday mid jiritaankii dowladnimada magaca ka weeciyay, balse uu ahaa hal heys olole.