C/Wali Gaas” majirto cid noo badelaysa booska ay noo jogaan imaraadku,mana jirto cid noola siman”

0

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Gaas oo booqday xeradda Ciidanka Badda Puntland ee ay gacanta ku hayso dowladda Imaraadku ayaa ka hadlay xaaladda dowladda imaraadka ee ku adan in ay ka guureen xeradda Ciidanka ee qow oo la sheegay in ay ka guureen ayna joojiyeen taakulayntii arrimaha ciidanka badda.

C/wali Gaas ayaa sheegay in Imaaraadka Carabta uu xiriirkooda mid qiimo gaar ugu fadhiyo iyo qadarin, isla markaana ay wadaagaan xiriir xag amni, ganacsi iyo dhaqan soo jireen ah.

Waxaa uu sheegay in ciidan gaaraya illaa labo kun askari oo ka howl gala Puntland ay u tababareen, kuwaasoo ka howl gala Barriga iyo Badda, isla markaana ka qeyb qaata howl galada la dagaalanka burcad badeedka iyo xagjirnimada.

Madaxweyne Gaas waa uu beeniyey arinta guuritaanka sarakiisha ka joogay dowladda Imaraadka waxaana uu yiri  ” waxaan idiin sheegaya in aan dowladda Imaraadka ka codsanay in ay sii wadaan tageeradda iyo tababaridda ciidankeena badda iyadoo lasii xoojinayo gacan siinta mashruuca,waxaad lasocotaan in dowladda imaraadku Puntland ka wadaan mashariic dhaqaale badan galayo,majirto cid noo badelaysa booska ay noo jogaan imaraadku,mana jirto cid noola siman”.ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

“Difaaca ugu horeeyay ee Soomaaliya waa Puntland, dhib kasta cida wajaheysa oo ka hor imaanaysa waa Puntland, haddii Puntland Difaacaan waa Soomaaliya ayay difaac u yihiin, Imaaraadka Carabta waxaa ka codsanayaa in ciidanka tababarkiisa ay sii wadaan, oo ay joogaan, howsha taageerada ciidan waxaa ka dalbaneynaa inay sii laba jibaaraan”ayuu yiri Madaxweyne Gaas.