C/raxmaan Cabdi shakuur oo dowladda soomalia ku eedeeyay in ay joojisay kulan uu ku qaban lahaa Magaallada Nairobi

0

Siyaasiga C/Raxmaan Cabdi Shakuur ayaa dowladda soomalia ku eedeeyay in ay joojisay kulan soo dhaweyn ah oo siyaasiga loogu sameyn lahaa magaallada Nairobi.

Bartiisa Facebook-ka ayuu kusoo qoray in dowladda Farmaajo ay bartilmaamedsaneyso mas’uuliyiinta Xisbiga Wadajir oo uu isaga hogaamiyo wuxuuna ku eedeeyay in dadka dowladda ka aragti duwan in caburin lagu haayo dal iyo dibad-ba.

“Waxaan uga tacsiyeynayaa jaaliyada Soomaaliyeed ee Kenya iyo taageerayashayda baaqashada ku timid kulankii soo dhowaynta ahaa ee maanta Nairobi ka dhici laaha. Waxaa wax laga xumaado ah in maamulka Madaxweyne Farmaajo uu shaqo ka dhigtay bartilmaamsiga dadka ka aragtida duwan, gaar ahaan Xisbiga Wadajir..” ayuu bartiisa kusoo qoray siyaasiga C/raxmaan cabdi shakuur.