Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284
Somali News

Bulshadda Puntland oo ka Hadlay Dagaaladii Gaalkcyo & Heshiisyada La gaaray

Shacab weynaha ku dhaqan gobolada Puntland ayaa ka hadlay markii ugu horeysay xal u raadinta colaadda ka aloolsan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, iyagoo ra’yigooda ku muujiyay sida ay wax u socdaan iyo sida ay isleeyihiin in arrntaas lagu soo gaba gabeyn karo.

Qaarkood shacabka oo aan fursad u siinay hadalka arrintan ayaa sheegay in sida ay wax ku wado dowaldda federaalka ee uu wakiilka u yahay Raiisul wasaaraha dalka ay soo dhaweynayaan, islamarkaana ugaga mahadcelinayaan juhdiga iyo dadaalka uu geliyay raiisul wasaaruhu in la soo afjaro colaadii dhacday.

Waxa kale oo ay sheegeen shacabku in dadaalka socdaa ku mira dhali karo in ay u dhega nuglaadaan Mleeshiyaadka Baraxley ee had iyo goor iyagu rasaasta soo tuura, iyagoo si toos ah u carab dhabay xakameynta ciidanka hubeysan ee qoriga isku fiiqaya.

Qaarkood shacabka ayaa rajadoodu aheyd mid aan wanaagsaneyn iyago tix raacaya dagaalkii dib u qarxay xili ay dhigan yihiin qodobo lagu heshiiyay, waxaana ay sheegeen in sikastaba oo loo heshiisiiyo labada dhinac ee ay colaadu ka dhexeysaa ay yihiin un dad wada degen oo aan isdeyneyn.

Waxaa ka soo maaxanayay dadka qaarkii fekerro loo filan karo xal waara oo nabdeed, inkastoo aanay qaarkood haatan muuqan loona baahneyn marka loo eego wada hadalka labada dhinac iyo qaabka dib u heshiisiineed ee xaaladda taagani lagu qaboojinayo .

Waxa ay inta badan dadku ka cabsi qabaan dagaal markale soo laabta, waana tan ku dhalisay in ay weli banaanka ka joogaan magaalada gaalkacyo dadkii ka baxakacay, kuwaas oo aan weli niyadda siin in ay dib ugu laabtaan guryahooda.

sikastab ha ahaatee Rajadda muuqataa waxa ay tahay mid nabadeed, waxaana haatan isku gudbaya labada madax ee Puntland iyo Galmudug, iyadoo shalayna aheyd markii si wada jir ah ay isu horfariisteen iskana wareysteen xaaladda iyo sidii wax looga qabanlahaa xiisadda soo kala dhexgashay.

Related posts

War Cusub;- Dowladda Puntland oo sheegtay Xiliga uu shaqo Bilaabayo Garoonka Boosaaso

Tifaftiraha K24

TOP NEWS: Wafdigii ka Socday Gollaha Amaanka oo Muqdisho soo gaaray Kulamana la qaatay Raisul wasaare ku xigeenka Dalka Maxaase looga hadlay Kulamadaasi ? +Sawirro

Tifaftiraha K24

Dowlada Eritrea oo Sii Deysay Maxaabiis u dhalatay Dalka Jabuuti oo Mudo 8 Sano Xabsiga kujiray” Sawiro”

admin