Breaking News :- Dowlada Itobiya oo Axmed Madoobe ku amartay in u wadankeeda ka baxo.

0

Wararka ka imanaya Magaalada Adis Ababa ee xarunta wadanka Itobiya ayaa waxaay tibaxayaan in  Saraakiiil ka tirsan Xafiiska Raisalwasaraha Itobiya Abi Axmed ay ku amreen Madaxweynaha jubbaland Axmed Madoobe in uu si dag dag ah uga baxo wadanka Itobiya.

Wararka ayaa waxaay intaasi ku darayaan in Sarkiishan ka tirsan Madaxtooyada Itobiya Axmed Madoobe ay uga digeen  in uu soo fara gashto Siyaasada gudaha wadanka Itobiya.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa maalintii shalay ahayd ka soo ambabaxay Magaalada Kismaayo ayado ujeedka socdaaalkiisu u ahaa in uu garab siiyo Madaxweynihi iscasilay ee kilinka shanad Abdi eley balse  inta uu hawada ku soo jiray ayaa waxaa tanaasulay Abdi iley oo iska casilay xilkii uu ka hayay Kilinka shanaad.

Hogaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa hada xaal jahwareer ah ku jira  waxaana uu dhumiyay kalsoonidii Dowlada Fadaralka ah ee Somalia iyo Kalsoonidii wadamada dariska ah oo gacan weyn ka siin jiray in usii hayo  hogaaminta  Jubbaland.

Dadka ka falanqooda siyaasada isbadbadalka badan ee Jubbaland ayaa waxay tibaxayaan in Axmed madoobe uu ku socdo  halkii uu maray Abdi iley mar hadi uu dhumiyay kalsoonidii Shacabka Jubbaland iyo midii dowlada dhexe ee Somalia.