BREAKING+MUUQAAL: Wasaaradda Amniga iyo Taliska Booliska oo ka Hadlay Ciidamada la Wareegay Xarunta Golaha Shacabka iyo Cida Amartay

0

Shir jaraa’id oo goordhaw ay ku qabteen xarunta taliska ciidamada booliska Wasiiru dowlaha wasaaradda amniga xasan macalin xuseen iyo taliyaha ciidamada booliska Genaral Bashiir Cabdi Maxamad ayey ku beeniyeen in xarunta golaha shacabka ay la wareegeen ciidamo gaar ah.

Wasiiru dowlaha wasaaradda amniga ayaa sheegtay in wasaaradda amniga ay taliska ciidamada booliska ku amartay in ciidamo dheeraad oo boolis ah la geeyo xarunta golaha shacabka si loo xoojiyo ammaanka xarunta oo maalinta beri ka filaayo in kulan xasaasi ah uu ka dhaco.

Taliyaha ciidamada booliska soomaaliyeed general bashiir ayaa dhankiisa been abuur ku tilmaamay wararka sheegaya in ciidamo ay la wareegeen xarunta golaha shacabka wuxuuna shacabka ugu baaqay in ay is dajiyaan.

Guddoomiyaha baarlamaanka oo galabta shir jaraa’id qabtay ayaa Ra’isul wasaare kheyre ku eedeeyay in uu soo amray ciidamada la wareegay xarunta golaha shacabka.

Halkaan Hoose ka Daawo Muuqaalka