Breaking News :- Axmed Madoobe oo ka dagay Magaalada Nairobi asago ku soo fashilmay…

0

Sida wakaalada wararka Kismaayo24 ay saakay idin soo tabisay  hogaamiyaha Maamulka Kismaayo Axmed Madoobe waxaa lagu amray in uu mudo 12 saacadood ah Wadanka Itobiya uu uga baxo.

Axmed Madoobe  asago ka duulaya Amarkii Abiya Axmed u duldhigay  ayuu waxaa uu si dag dag ah uga soo dhofay Magaalada Adis Ababa  ee wadanka Itobiya  waxana uu soo aday Magaalada Nairobi ee Xarunta Wadanka Kenya.

Axmed Madoobe ayaa  Wadanka Itobiya la tagay labo qorshe oo kala ahaa in uu Abdi iley ku sii hayo  xilka  taas oo suurobi wayday hadana waxaa uu isku dayay in uu madaxweynaha kilinka shanaad ka dhigo masul ka soo jeeda  jifadiisa hoose ee  {reer abdile reer warfaa} ayadana wu ku fashilmay.

Hogaamiyaha Gabalkiisu sii dhacayo  ayaa hada waxaa uu ku sugan yahay Magaalada Nairobi waxana uu qorshaynaya in uu ku laabto Magaalada Kismaayo oo ay ka jiiraan dagaalo lagu hobtay.