Animation

BREAKING: Duqeyn Madaafiic u badan oo Ka bilaabatay Magaalada Baraawe Xili uu halkaasi ku wajahanyahay Ra’isul wasaare Kheyre

no responses
Wednesday November 15, 2017 - 10:23 under Breaking News by admin
mqdefault
Spread the love

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab ayaa madaafiic ku garaacay garoonka diyaaraddaha magaalada baraawe ee gobolka shabeellada hoose.

Tiro madaafiic ah ayey shabaabku ku garaaceen garoonka diyaaraddaha xili ay halkaasi u suganyihiin Wafdi hordhac ah oo uu hogaaminaayo madaxweynaha maamulka koonfur galbeed shariif xasan shiikh aadan kuwaasi oo garoonka ku sugaya wafdiga ra’isul wasaare xasan cali kheyre.

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Nawaaxiga garoonka ayaa waxaa kusoo dhacaya madaafiic waxaana sidoo  kale wararka gudaha magaalada aan ka heleyno ay sheegayan in madaafiic lagu garaacay qeybo magaalada kamid ah.

Ciidamada dowladda ayaa ka jawaabay madaafiicda shabaabka ay soo Rideen waxaana ay iyaguna ugu jawaabeen tiro madaafiic ah lamana oga qasaaraha dadka rayidka ah kasoo gaadhay madaafiicda leys weydaarsaday.

Wafdi Ra’isul wasaare kheyre weli meysan gaarin magaalada baraawe waxaana garoonka diyaaraddaha kusii sugaya madaxweynaha koonfur galbeed iyo guddoomiyaha baarlamaanka maamulkaasi.

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.