BREAKING: Aqalka Sare oo Iska diiday in uu ka qeyb galo Furitaanka Kalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka

0

Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa diiday in ay ka qeyb galaan Furitaanka kala Fadhiga Afraad ee Baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo hadda Munaasabadiisa ay ka socota xarunta Booliska ee Generaal Kaahiye.

Waxa ay sheegeen in dib loo dhigay furitaanka kalafadhiga Aqalka Sare, islamarkaana maalinta Berri ah furi doonaan.

Munaasabadda furitaanka Kalfadhiga 4aad ayaa maanta oo isniin ah loo balansanaa in si wadajir ah labada Aqal ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare loogu furo kalfadhigooda 4aad ee taxanaha ah.

Qaar ka mid ah senator-ada Aqalka Sare ayaa inoo sheegay in kalfadhigooda aanu maanta furmi doonin, isla markaana maalinta berri uu furmi doono.

Labadii Kalfadhi ee u dambeeyay ayaa si wadajir ah loo furay kalfadhiyada Baarlamaanka Labada Aqal.

Hase ahaatee kalfadhigan oo hal mar uu furi lahaa Madaxweyne Farmaajo ayaa labo maalin kala furmi doona labada Aqal, taasoo muujineysa in labada Aqal xiriirkooda hagaagsaneyn.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Golaha Aqalka Sare uu muujinayo in aanu ku milneyn Golaha Shacabka.