Boqortooyada sacuudiga oo balan qaad muhiim ah u sameysay dowladda soomalia intii lagu gudajiray….

0
Saudi Arabia's Prince Mohammed bin Nawaf Al Saud arrives at Buckingham Palace in London for a reception hosted by Britain's Queen Elizabeth II for the heads of state and government prior to them attending the opening ceremony of London 2012 Olympic Games, Friday, July 27, 2012. (AP Photo/Sang Tan)

Dowladda sacuudiga ayaa waxa ay soomalia ugu deeqday lacag dhan 10 milyan oo dollar taasi oo wax looga qabanaayo abaarta ka jirta soomalia.

Amiir Maxamed bin Nawaaf oo dowladda sacuudiga uga qeyb galayay shirka london ee arimaha soomalia looga hadlaayay ayaa waxa uu shirkaasi ka balan qaaday in soomalia ay ugu deeqeen 10 milyan oo dollar .

Amiir mohamed oo ah safiirka dowladda sacuudiga u fadhiya boqortooyada UK ayaa sidoo kale shirka ka sheegay in loo baahanyahay dib u heshiisiin soomalida dhexdeeda laga sameeyo si loo gaaro xasilooni iyo nabad waarta.

Wuxuu intaa ku daraayay amiir mohamed oo hadalkiisa sii wata in dowladda sacuudiga ay aad usoo dhaweyneyso hormarka wanagsan ee dowladda soomalia ay ku dhaqaaqday taasi oo ka dhalatay doorashadii madaxweyne farmaajo uu ku guuleystay.