Boqor Burhaan Boqor Muuse oo la kulmay Madaxweyne Farmaajo

0

Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa saaka kulan laqaatay Madaxweynaha Soomaaliya Muadane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo kulankan oo ka dhacay Xafiiska Madaxweynaha.

Boqor Burhaan ayaa Maalmahan Booqasho ku joogay magaalada Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa soo dhoweyn wanaagsan kala kulmay dhaqan.Dowlad iyo Shacabka,

Boqorka iyo Madaxweynaha ayaa dhamaan ka tacsideeyey Geeridii Naxdinta lahayd ee ku timi Wasiirkij Dastuurka Marxuum Cabdiraxmaan Jibriil Xoosh inaa li laahi wa inaa ilayhi raajicuun.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Boqorka ku amaanay sidii u nabadaynta uga qaybqaatay Nabadeynta iyo xasilinta Soomaalida gudaha iyo dibada gaar ahaan Gobolada Sanaag iyo Sool.

Boqorka iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa kawada hadlay arimo badan oo u badan xasilinta Dalka Boqorka oo u duceeyey Madaxweynaha in uh ilaah la garab galo sidii uu dalkan uga bixilahaa nadaam darada mudada dheer ku jiray.

Boqorku waxaa kale uu umada soomaaliyeed ugu Duceeyey in ilaah ka qaado dhibaatada dibna usoo ceshadaan karaamadoodii iyo in Dalkooda Xasilyaan una danqadaan dadka ku dhibaataysan Dalka gudihiisa.