Animation

Boosaaso oo laga hir galiyay xarun casriya oo lagu baranayo samaynta cuntooyinka – Aisha Cooking Center

one response
Sunday November 8, 2015 - 5:16 under Arimaha Bulshada by admin
mqdefault
Spread the love

Waxaa laga hir gashay magaalada Boosaaso xarun casriya oo lagu magacaabo Aisha cooking center xaruntaas oo lagu baranayo qaababka ugu wanaagsan ee loo sameeyo cuntooyinka iyo macmacaanka la cuno, xaruntaan cusub ayaa waxay noqonaysaa middii ugu horraysay nooceeda oo kale ah taasi oo laga hir gasho magaalada Boosaaso, waxayna fursad weyn u tahay dhammaan haweenka deegaanka hadday ahaan lahaayeen hooyooyin ama hablaha wali calafkooda sugaya iyo cid kasta oo danaynaysa in ay kor u qaado xirfadeeda cunto samaynta iyagoona ka heli doona xarunta sida loo sameeyo cuntooyin badan oo iskugu jira maxali iyo caalami ayna dhigi doonaan macallimiin khibrad baaxad weyn u leh cunto karinta.

Tusaalayaal ka mid ah cuntooyinka xarunta aad ka baran karto waxaa kamid ah:

  • Mandi, Siyaadiyo.
  • Baryani,Baasto foorno.
  • Faatayir, Fato timir
  • Keek, Toorto, Basbusa.
  • Baqlafa, Donut.
  • Cinnamon Roll.
  • Zurukh, Borash.
  • Bashamil, Basta ukun.
  • Rooti yooshm odkac.
  • Fatira- Tuna.
  • Pizza oo noocyo badana.
  • Bakhumri, Kalimati.
  • Kalluun noocyo badan ah.
  • Hilib nooc kasta ah.

Iyo cuntooyin badan oo aan halkaan lagu soo koobi karin, iyadoo sidoo kale xarunta Aisha Cooking Center kuu hayso fursad qofka la barayo cuntada uu jecelyahay in uu barto taasi oo xilliga uu tago aysan socon koorso la xiriirta.

Haddaba ma tahay hooyo danaynaysa in qoyskeedu cunaan cunto tayo sarre leh, taasi oo ay sal dhig u tahay cunida cunto dheeli tiran oo si cilmiyaysan loo sameeyay, ma tahay gashaanti guur doon ah oo danaynaysa in ay yagleelato qoys fiican oo cunto fiican cuna , ogaada haddaba Aisha Cooking Center waa fursad inoo soo bidhaantay oo gacan lixaad leh ka gaysan karta xaqiijinta himilooyinka nolosheena oo ah mustaqbalkeena, ha moogaan si aysan kuu dhaafin fursaddaan qaaligaa in aad tagtid xarunta Aisha Cooking center.

Fadlan macluumaad dheeriya haddaa u baahantahay kala xiriir maamulaka xarunta Aisha Cooking Center

Tel: +252907703080

Email: aishanazir111@gmail.com

 

 

Daawo sawirada qayb kamid ah cuntooyinka ardada Aisha cooking Center lagu taba baro.

 

IMG-20151023-WA0020 IMG-20151023-WA0021 IMG-20151023-WA0024 IMG-20151023-WA0025 IMG-20151023-WA0027 IMG-20151023-WA0028 IMG-20151023-WA0029 IMG-20151023-WA0031 IMG-20151023-WA0032 IMG-20151023-WA0033 IMG-20151023-WA0034 IMG-20151023-WA0035

Facebook Comments