Animation

Booqashada Dowlada ee xaduuda Beledxaawo Guul ama Guul daro

no responses
Thursday November 19, 2015 - 9:41 under Somali News by admin
mqdefault

Sida aad la wada socotaan waxaa xiliyadii u danbeeyay xaduuda u dhexeysa Kenya iyo Soomaaliya ka jiray Talaabooyin fool xun oo ay dowlada Kenya qaaday kadib markii ay Jeexatay in ka badan xadkii ay lahayeen.

Qayla dhaanta shacabka iyo Maamulka Beledxaawo waxay socotay mudo waxaana ay gaareen heer ay u bareeraan in ay isku dhigaan Cagafyadii qodayay oo markii danbe isaga tagay goobta, waxayna xili walba u qeylo dhaaminayeen, Dowlada Soomaaliya, Shacabka iyo Maamulada jira, arintaasi aadbaa looga daahay lakin markii xaaladu sii xumaatay waxaa talaabo aan wali la dhamaystirin qaatay baarlamanka Soomaaliya oo runtii si weyn aan ugu riyaaqnay hadalkii ka soo yeeray.

Qoraha warbixinta: Deeqa Sonna

Qoraha warbixinta: Deeqa Sonnasli

Hadaba waxaa Beledxaawo iyo xaduuda tagay wafdi ka socda labada gole ee Dowlada Soomaaliya kuwaas oo u kuurgalayay sida wax yihiin.

Socdaalka Madaxdan ee xaduuda ma waxay noqon doontaa “Arag oo ka dhaqaaq” mise waxay noqon doontaa wax loo aayo oo taariikh reeba, Taas oo noqon doonta “Guul Ama Guul Daro”

Manta waxaa ii muuqata in Soomaaliya lagu dayay wax walba ugu danbayna lagu xadgudbayo dhulkeedii Bad iyo Bari ba.

Dowlada Soomaaliya waxaa la gudboon in aysan isha ka dadan waxa socda una jixin jixin wax walba oo ay kala kumayaan dalalka jaarka marka ay timaado in lagu xadgudbo Qaranimadeena sida, Dhulkeena, Badeena, Calankeena iyo Wixii la halmaala.

Inkasta oo arimo siyaasadeed ay arintani salka ku hayso hadana waa hubaal Soomaali walba oo dunida ku nool in uu ka damqado isla markaana u dhinto, iyada oo laga gudbayo wixii Soomaalida dhexdeeda ah, Maxaa yeelay inagu makala tagi karno lakin shisheeye wixii naga galaa soo noqod malahan ee Dhulka iyo dalka aan ceshano.

Waxaa dabeecad noo noqotay xiliyadan danbe  in aan nahay dad dhaqsiyo u kaca hadana u dama lakin Ogoow in dal walba jiritaankiisa uu ku xiranyahay shacabkiisa ee uusan ku xirnayn Madaxda Dowlada oo kaliya.

Waxay taagantahay xigmadii ahayd. ” Is weydii waxa dalkaaga aad u qaban karto lakin dalkaaga ha weydiin waxa uu kuu qaban karo”

Ogoow xaduuda dhulka oo la qaato waxay saqiri doontaa xaduudii Badda oo la qaato maxaa yeelay waa is leeyihiin.

Awood la’aanta Ciidamadii difaaci lahaa dalkeena waa hubaal in ay saqirtay in cadowgu suu doono yeelo, lakin Soomaalida hadii ay u soo jeestaan Difaaca dhulkooda waa hubaa in aan laga guulaysan doonin si walba oo ay ku difaacaan Af iyo Adinba.

Ugu danbayn waxaan leeyahay shacabka Beledxawo waxaa tihiin Geesiyaal dhulkooda diifaacaya lakin Garab u bahan, Ogaada Soomaalidu idinkama seexan lakin waxay isha ku hayaan sida dowladu yeesho.

Deeqo Shire (SONNA)

Deeqosonna@gmail.com