Somali News

Booliska Soomaaliya Oo Albaabada iskugu dhuftay Xarunta laanta CID-Da

Taliye ky xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Zakiyo Xuseen Axmed ayaa maanta shaacisay in beri la xirayo waaxda faraha ee CID oo bixisa warqadda dambi la’aanta.

Zakiyo ayaa sababta ku sheegtay taxadar ku aadan faafinta cudurka Coronavirus oo kiis ka mid ah dhowaan laga helay magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxay intaasi ku dartay in go’aankaan ay qaateen iyadoo la raacayo awaamiirta guud ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

“Iyadoo la raacaya awaamiirta guud DFS oo ku aadan taxadirka faafinta cudurka coronavirus, waxaa shacabka Somaliyeed ku wargelineynaa in laga bilaabo BERI taariikhduna ku beegantahay 19/03/2020 aan xirnay Waaxda Faraha ee CID oo bixisa warqada dembi la’aanta muddo 15 cisho ah.” ayey tiri Zakiyo Xuseen Axmed.

Dowladda federaalka ayaa wada qorshe ballaaran oo looga hortagayo caabuqa Corona, iyadoo muddo 15 cisho ah la xiray goobaha waxbarashada ee magaalada Muqdisho.

Related posts

DEG DEG Qodob ka mid ah Dastuurka Somalia oo la badalay iyo Muqdisho oo noqonaysa Caasimada Rasmiga ah ee Somalia iyo Maamul Goboleed Gooni u tagan

admin

Sidee Muqdisho Loogu Xusay Maalinta 26-June(sawiro)

admin

XOG: Koonfur Galbeed” Isbaarooyinka Yaala Shabeelada Hoose Waqtigooda wuu dhamaaday Shacabka Nabad ayey ku Marayan Wadada

admin