Somali News

Booliska dalka Norway oo warbaahinta lawadaagay Haweeney isku dhexdagaalay Masaajidka Towfiiq ee Magaalada.

Booliska Dalka ayaa warbaahinta u Xaqiijiyay Dagaal dhex dhexmaray labo haween oo ku dhex sugnaa Masaajidka Towfiiq ee Caasimada Oslo kuwaasi oo mid kamid ah farta Qaniinyo looga gooyay.

Booliska oo tagay masaajidka ayaa la kulmay Labada Haween oo midkood dhiigeyso waxaana Booliska ku qaadatay mudo helitaanka Farta laga qaniinay mid kamid ah Haweeneyda oo go’day.

Sida warbixinta lagu sheegay Haweeneyda laga qaniinay farta ayaa Da’deeda lagu sheegay 30 sano jir halka mida kale lagu sheegay 50 sano jir taasi oo markii danbe la xiray.

Falkan ka dhacay Masaajidka Towfiiq ee Caasimada Norway ayaa noqday mid laga hadal hayo Baraha Bulshada waxaana warbaahinta qaarkood maanta soo qoreen sababta keentay dagaalka Labadaasi dumar

Related posts

AKHRISO: Nuxurka Khudbadaha laga jeediyay Wejiga Labaad ee shirka London

admin

SAWIRO: Diyaarada Itoobiyan Airlines ee Caalamiga ah oo markii ugu horeesay ka degtay Garoonka Magaalada.

admin

War Cusub: Maxaa ka soo Baxay Kulan Xasaasi ah oo Garoowe ku Dhexmaray C/Wali Gaas iyo wafdi ka socda Hey’adda FAO??? +Sawirro

Tifaftiraha K24