Animation

Bishaaro: Telefishin Casri ah oo Hawada soo galayo iyo Suxufiyiin Waaweyn oo ka Hawl-gali doona. “Akhriso”

no responses
Sunday January 29, 2017 - 2:51 under Somali News by admin
mqdefault

Waxaa Dhawaan Hawada soogalaya Telefishin Cusub oo la magic baxay SAAB TV kaasi oo kamid noqon doona Warbaahinada Soomaalida, ee Muuqaal Baahiyaha ah.

Telefishinkani oo ah Nooc casri ah waxbadane kaga duwanaan Doona Telefishinada tirade kabatay ee Soomaalida ayaa Bilowga bisha soosocota si rasmi ah u hawl-gali doona.

Waxyaabaha uu kaga duwanaan doono Telefishinada iyo Warbaahinada Soomaalida waxa kamid ah, isagoo kulansaday Xirfadlayaal Saxaafadeed oo si weyn looga yaqaano gayiga soomaalida, kuwaas oo qaarkood Nus qarni kusoo dhexjiray Mihnadda Saxaafadda.

Sidaas si lamid ah Saamileyda Telefishinka ayaa u badan Saxafiyiin waaweyn oo siweyn loo yaqaano, waxayna sahleysaa in si fudud uu u hormaro Saab TV ulana tartamo Warbaahinno Tobanaan sano soo shaqeynayay.

Sidoo kale Magaca Telefishinka oo ah “SAAB” Ayaa ah Erey Bixin Afsoomali ah oo laga soo minguuriyay Agabyadii Soomalida ay Dhaqanka u laheyd, waxaana si fudud Magacaas u fahmi kara dadka Dhaqanka iyo Afka Soomaaliga sida wacan u yaqaana.

Xarumaha Waaweyn ee SAAB TV ayaa noqon doona Magaalooyinka London, Hargeysa, Muqdisho iyo Kismaayo, kuwaas o odhamaantood uu ku yeelan Doono Xafiisyo mararka qaar si toos ah wararka looga soo tabin doono.

Hawl-wadeenada iyo Maamulka Saab TV ayaa bulshada Soomaaliyeed u balanqaadaya uguna bishaareynaya in ay ka haqabtiri doonaan baahiyaha Warbaahineed sida, soo tabinta wararka la xiriira, Ganacsiga, Waxbarashada, Caafimaadka, Arimaha Bulshada, Siyaasadda, Dhaqanka iyo Ciyaaraha.

Sidoo kale SAAB TV ayaa xarumo sahleysa in si fudud aad Ganacsigaaga u suuqgeysato kaaga furi doona Magaalooyinka Nairobi, London, Dubia, Hargeysa iyo Muqdisho, kuwaas oo Wakiilo si hufan kuugu adegi doona uu TV-ga kuugu diyaarin doono.

                                                                       Wariye Shaafici Magan
                                                                           Muqdisho

 

FG: Dhawaan waxaan idin soo Gudbindoona Muqaalada Wariyeyaasha  TV ga Saab ee Magaaloyinka Bosaaso,Kismaayo,Jowhar,Baydhabo,Galkacyo,Garoowe,Cadaado Cabudwaaq,Baladweyne iyo Baardheere.