Somali News

Beessha Absuge Qombor Cadaan Indiris ee reer maxamed Maalin oo doortay Nabaddoonka reer Culusoow.” Sawirro”

Beesha Absuge Qombor gaar ahaan beesha Cadaan Indiris ayaa Maanta  magaalda Muqdisho ee dalka Soomaaliya Ku caleemasaartay Nabdoonka reer Culusoow Maxamed Maalin, Nabaddoon Xasan Cabdulle Cosoble oo ah nin dhalanyaro ah aqoon fiicanna u leh dhanka dhaqanka.

 

Xafladda lagu duubayay Nabaddoonka ayaa waxaa  ka soo qeybgalay  dhaqanka beelweynta  Reer Maxamed Maalin ee ah Curudka beesha absuge  Cadaan Indiris.

Marka Hore waxaa  hadalka Furtay Aqoon yahanad Maryan Cabdulle  oo soo dhaweysay martida  ka soo qeyb gashay waxaana goob joog ahaa Nabaddoonka Guud ee Beesha Nabaddoon, Dr. Ibraahim Seyle oo aad u soo dhaweeyay nabaddoka cusub.

 

Sidoo  kale waxaa ayagane goobta ka hadlay odayaasha ka soo qeybgalay caleema saarka Nabaddoonka   oo si weyn u soo dhaweeyay, Beesha reer maxamed Maalin ayaa waxeey sanado badan soo maamulayeen beelweynta Waceysle  ayagoo caan ku ahaa dhanka dhaqan iyo isku xirka Beelweynta Mudulood.

 

Ugu danbeyn waxaa goobta ka hadlay Nabaddoonka  Beesha reer Maxamed Maalin  Dr. Seyle  iyo Nabaddoonka Cusub Nabaddoon Xasan Cabdulle waxeeyna balan qaaeen ineey isku xiri doonaan Beelweynta Waceysle ee Abgaal

Related posts

Hordhac: Man City vs West Ham, Iyo Kulamadii Xalay Laga Ciyaaray Horyaallada Kala Duwan Ee Qaarada Yurub

admin

Dhagayso:- Madaxweynaha Puntland oo soo dhaweyeey isasoo dhibitaanka Sheekh Atam

admin

Wadooyinka Muqdisho Oo Xiran Iyo Ammanka Oo Aad loo adkeeyay

Ahmed sudani