Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284
Breaking News Somali News Top News

Beesha Sacaad Habargidir oo xiriirka u jartay Dowlada Cusub ee Somalia.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kulan aan caadi aheyn oo ay magaaladda Muqdisho ku yeesheen xildhibaanada labada gole iyo siyaasiyiin kasoo jeeda beesha Sacad oo kamid ah Beelaha Habar Gidir/Hawiye.

Kulankan ayaa ka dhacay guriga xildhibaanka aqalka sare Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, waxaana xubnihii ka qeyb galay kamid ahaa Axmed Macalin Fiqi, Ubax Tahliil Warsame Cabdi Kariim Khaliif Dalac oo wasiir ku xigeen ka ah xukumada RW Kheyre iyo Saraakiil iyo siyaasiyiin kale,

Wararka aynu helnay ayaa sheegaya in kulankan diirada lagu saaray saamiga ay beesha ka heshay dowladda cusub ee Soomaalia iyagoo isu raacay in xariirka loo jaro xukumada RW Kheyre.

Hogaamiyaashan ayaa sheegay in gabi ahaanba beesha Sacad aysan helin xaquuqdii ay lahaayeen isla markaana aanan loola dhaqmin si wanaagsan sidaas darteed aysan la shaqeyn doonin dowladda cusub.

Arimaha ugu waa weyn ee kulankaas diirada lagu saaray waxaa sidoo kale kamid ahaa in xilalkii laga qaaday xubno kasoo jeeda beeshaas oo isugu jiray agaasimayaal iyo masuuliyiin kale.

Ugu dambeyn siyaasiyiinta beesha SACAD ayaa ku heshiiyay in laga shaqeeyo danaha dadka dega Galmudug isla markaana aanan aayaha deegaanadaas gacanta loo gelin dowladda.

Kulankan oo ah kii ugu xasaasisanaa ayaa kusoo aadaya xili madaxweyne Farmaajo lagu eedeeyay inuu balantii uga baxay beesha Habar Gidir gaar ahaan Sacad oo uu ubalan qaaday inuu Ra’isul wasaare ka dhigayo xiligiisii olalaha maadaama ay hogaaminayeen isbadalkii isaga lagu doortay.

Related posts

XOG: Ku dhawaad 11 beel oo galmudug ku mideysan ayaa soo saaray go’aan xasaasi ah oo ku saabsan doorashada iyo…..

Tifaftiraha K24

Daawo: Xarunta Dagmada Hodan,Masjid ku yiilay iyo Dugsi Qur’aan ku Bur Buray Qaraxa

admin

SAWIRO: Shirka Hobyo oo lagu Ansixiyay Xeerka Golaha Hogaanka Beesha Habargidir

admin