Somali News

Beesha Caalamka Oo War Kasoo Saartay Dib U Heshiisiinta Galmudug.

War-saxaafadeed ka soo baxay Beesha Caalamka ayaa waxaa looga hadlay Xaalada Galmudug iyo Shirka dib u heshiisiinta Galmudug ee ka socda Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug.

Beesha Caalamka  ayaa soo dhaweysay dadaalada dib u hesiisiinta ah ee ka socda Galmudug,isla markaana bogaadisay furitaanka Shirka dib u heshiisiinta ee ka socda Magaalada Duusamareeb,kuwaasi oo looga tashanayo aayaha Galmudug.

Sidoo kale Shirkaas ayay ku tilmaamtay in Muhiima u leeyahay dhismaha galmudug Cusub oo loo dhan yahay iyo inay dhacdo Doorasho xor iyo xalaal ah oo nabad ay ku jiro.

“Waxaan soo dhoweyneynaa sida ay dhammaan dhinacyada ay quseyso uga go’an tahay dib u heshiisiin loo dhan yahay, waxaana bogaadineynaa dadaalka Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya iyo sidoo kale maamulka Galmudug, odayaasha dhaqanka ee suuragelisay in dadkaas oo dhan la isu keeno” ayaa lagu yiri qoraalka Beesha Caalamka.

Related posts

FALANQEYNTA Kulanka Xiisaha Leh Ee Kooxaha Barcelona Vs Celta Vigo (Maxaa Laga Soo Calaamadiyey???)

Tifaftiraha K24

War Hada: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Xubno la socda oo Goordhaw Gaaray Magaalada….

Tifaftiraha K24

Dhagayso:- Siyaasi yiri Somaliland oo way ku qaldanayd inay kabaxdo shirkii Turkiga

admin