Animation

Beesha Abgaal oo xawaadle usoo raaceysa qabiilkii ay isku dhacaanba

no responses
Friday August 18, 2017 - 11:50 under Arimaha Bulshada by admin
Spread the love

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Odayaasha iyo waxgaradka beesha Xawaadle ayaa eedeyn kulul u jeediyey beesha Abgaal, kuwaasi oo xiisada siyaasadeed ee ka aloosan Hirshabeelle ka hiiliyey Madaxweyne Ali Abdillahi.

Warka kasoo baxay beesha Xawaadle ayaa la xiriiray in muranka hadda jira uu dhexmaray beelo Xawaadle la deggan Hiiraan, oo Madaxweyne Cosoble kula dagaalay dano gaar ah oo ay leeyihiin, balse taasi markii uu ganafka u daruuray ay dagaalka usoo wateen beesha Abgaal.

” Reero wada deggan Hiiraan inay Xawaadle usoo raacaan, haddana ay dhahaan maamul ayaa isla dhisaneynaa waa riyo aan u shaqeyn doonin, waana godob ay ku xisaabtami doonaan Abgaal iyo Xawaadle” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka Beesha Xawaadle.

Dhinaca kale, waxaa ay waxgaradka iyo odayaasha beesha Xawaadle ugu baaqeen Abgaal inaysan cadaawad kala dhexeyn usoo raacin qabiilo kale.

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

 

Beelaha Abgaal iyo Xawaadle ayaa ah labada reer ee ugu awooda badan deegaanada Hirshabeelle, waxaana muuqata iminka inay beelaha kale la kala safan yihiin.

 

Cosoble ayaa haddii lagu adgeyso inuu dhacay waxaa dhici karta in maamulka Hirshabeelle burburo, in kuwa garabkiisa ay rideen iyagana meesha ka baxaan ama xal siyaasadeed oo looga noqonayo wixii dhacay la sameeyo.

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.