Somali News Top News Xulashada K24

Baydhabo:- Kulan looga hadlayo Ammaanka Deegaanadda koonfur galbeed oo Baydhabo ka furmay

Kulan looga hadlayo horumarinta xaaladda Amniga iyo xasilinta  degaannada hoosyimaada maamulka K/Galbeed ayaa ka furmay magaalada Baydhabo ee xarunta Ku meel gaarka ah ee maamulkaasi.

shirkaan waxaa si wadajir ah u soo qaban qaabiyay WasaaraDda Arimaha Gudaha dowladda  Federaalka iyo mida koonfur Galbeed ayaa mudada uu socdo waxaa looga hadli doonaa qodobbo la xariira waxyaabihii ka qabsoomay qorshayaashii loogu tala galay xasalinta degaanada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, iyo waxyaabihii aan qabsoomin iyo sababaha ay u qabsoomi waayeen.

Mudada shirkan socdo waxaa ka qayb galaya Wasaaradaha Haweenka, Dhalinyarada, Amniga Koonfur Galbeed, Duubabka dhaqanka, Ururada Haweenka, Dhalinyarada iyo xubno ka mid ah gudoomiyayaasha Degmooyinka .

Qodobada kale ee kulanka mudada uu socodo lagu jeex jeexi doono waxaa ka mid ah u diyaar garowga sidii Al-shabaab looga saari lahaa degaanada ay wali ku sugan yihiin, halkaasi oo shacbiga ku nool ay ku hayaan dhibaatooyin baaxad leh.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Dawladaha Hoose ee Koonfur Galbeed Maxamamed-nuur Madoobe Nuunaw Maxamed ayaa ka qayb galayaasha shirka u faah faahiyey qodobada muhiimka ah ee ka qayb galayaasha shirka horyaalla, kuwaasi oo u baahan in go’aan wada jir ah laga gaaro.

Related posts

Akhriso: Khilaafka u dhaxeeya dowaladda federaalka iyo maamulka hirshabelle oo meeshii ugu xumeyd gaaray iyo warqad dacwo ah oo loo…….

Tifaftiraha K24

Dhagayso:- Nabadoon Goordhow Lagu dilay Baydhabo

admin

Daawo: Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyed oo Qalab Ciidan ka gudoomay Safaaradda Talyaaniga ee Muqdisho

Tifaftiraha K24