Animation

Barnaamijkii Xasilinta Caasimada oo habac iyo Ciidamadi loo xil saaray oo hoose isii dhacaaya.

no responses
Sunday July 9, 2017 - 5:51 under Breaking News by nairobi
mqdefault
Spread the love

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan sameysay ciidamo ay ugu magac dartay Xasilinta Caasimadda Muqdisho, waxayna muddo kooban wadeyn howlgalo aad u ballaaran oo lagu sugayo amniga Muqdisho taasoo ay ku guuleysteen inta badan inkastoo mararka qaar ay Al-Shabaab qaraxyo iyo weeraro fuliyaan.

Ciidamada Xasilinta ayaa markii hore ku sugnaa goobo badan oo ka tirsan Gobolka Banaadir waxayna meelahaas ka sameyn jireyn baaritaano aad u adag oo lagu hubinayo amaanka Muqdisho.

Balse waxaa hadda muuqato in ciidamadaas ay u dhalaaleen sida barafka oo kale maadaama inta badan isgoysyada Muqdisho laga waayey ciidamadaas oo loo arkay inay muhiim u ahaayeen amniga Muqdisho.

Ciidamadaan ayaa hadda lagu arkayaa goobo camiyan oo ka tirsan isgoysyada Muqdisho, waxaana muuqato inaysan sameeneyn baaritaankii markii hore looga bartay oo aheyd mid xataa baabuurta gadaal iyo hore laga furayey si looga hubiyo inay ku jiraan waxyaabo qarxo.

Arrintaan ayaa la aaminsan yahay inay sabab u tahay ciidamadaas oo aad u yar isla markaasna aan ku filneyn Gobolka Banaadir, maadama aysan ciidamadaas heysan kuwa kale oo maalmaha qaar shaqada ka badalo.

Midaas ayaa keentay inay ciidamadaan dareemaan daal iyo madax xanuun ku kaliftay inay maalinba maalinta ka dambeyso sii daciifaan.

Sidoo kale madaxda dowladda oo uu ugu horeeyey Ra’isulwasaare Kheyre ayaa joojiyey xiisihii uu u qabay ciidamadaas madaama aanan maalmihii dambe lagu arkin isgoysyada Muqdisho.
Dhanka kale waxaa istaagay howlgaladii hub ka dhigista ee ka socday Muqdisho taasoo la sheegay inay sabab u tahay kadib markii ay magaalada ka dhaceyn dagaalo lagu diidan yahay hub ka dhigisita

 

Facebook Comments