Animation

Bandhig Carwo ganacsi oo laga daah furey degmada Baardheere(Daawo Sawwiro+Dhageyso)

one response
Friday November 25, 2016 - 6:27 under Somali News by admin
mqdefault
Bandhiga carwadani oo ahaa noocii ugu horeeyey ee degmada Baardheere lagu qabto muddo ka badan ilaa 30 sanno ayaa ahaa mid dadkii ka qeyb galey ay ku soo bandhigeen Noocyada kale gedisan ee Alaabaha ganacsiga,sida Bagaashka,Dharka,qalabka guryaha lagu sharaxo,raashinka  bisil noocyada Dalaga ka baxa beeraha iyo qalabka kale ee hidaha dhaqanka,waxaana xafladii lagu soo bandhigayey Carwadan goobjoog ka ahaa Mas,uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Baardheere,Odoyaasha ,Haweenka,Dhalinyarada,Ganacsatada iyo waxgarad kale oo tirsan degmada.
ka hor inta aanan la soo bandhigin Carwadan ganacsi ayaa waxaa ka horeeyey seminaar loo qabtey dad gaaraya ilaa 25 ruux oo ka kala socdey qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan degmada Baardheere,ujeedka seminaarka ayaa ahaa sida loo horomarin karo Ganacsiga iyo habka shaqo abuurka ee xirfadaha kala gedisan,waxaana taabageliyey qabsoomidiisa  Mashruuca Dalbile.
Xuseen Cabdi Saalax oo ah Xiriiriyaha Mashruuca Dalbile ee degmada Baardheere oo la hadlayey warbaahinta ayaa sheegay tababarka loo qabtey ka qeyb galayaasha oo tiradoodu ay ilaa 25 ruux in ujeedadu ay tahay sidii loo horomarin lahaa ganacsiga degmada,isagoo sheegayna mashruucan oo socon doono ilaa 3 sanno in ay dadka deegaanku ay ka faa,ideysan doonaan,islamarkaana ganacsiga ay kobcin doonaan.
Mana ahan markii ugu horeysay ee Semenaar noocani oo kale ah Mashruuca dalbile oo kaashanaya hay,adda IOM ay u qabtaan Bulshada ku dhaqan degmada Baardheere.
Hoos ka dhageyso Codadka  Bulshada ku dhaqan Baardheere
Halkana Ka Daawo ,
dsc00152 dsc00164 dsc00169dsc00152 dsc00164 dsc00169 dsc00177 dsc00177 dsc00169